Home Wararka Maanta Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe

Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa dhaqdhaqaaq ka wado Gobolka Shabellaha Dhexe, si ay guluf cusub ugu qaadaan deegaanadii ay maleeshiyada Al Shabaab billihii u dambeeyay ka qabsadeen bariga gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo maamulka gobolkaasi ay ciidamada ku abaabulayaan goobo kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in diyaargarow ciidan laga dareemayo deegaano hoostaga Degmooyinka Raage Ceele iyo Cadale, iyadoo uu qorshuhu yahay in ciidamadu ku rogaalceliyaan dhulkii laga qabsaday.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa Axaddii sheegay in ay xaqiijin doonaan in kooxaha argagixisada laga saaro deegaanadii ay dhawaan qabsadeen iyo dhulkii ay horeyba u haysteen.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo Isniintii ciidamada ku booqday jiidaha hore ee gobolkaasi ayaa saraakiishii uu la kulmay u sheegay in la qaadi doono guluf cusub oo dagaal.

Maxamuud Maxamed Masdile, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe oo wax ka abaabulaya ciidamada ayaa Warbaahinta la wadaagay in la bilaabayo hawlgal dib-u-xoreyn ah.

Al Shabaab ayaa bishii February bilowday weerar aan horey loo arag, oo ay isugu soo fidisay deegaaandii xorta ahaa ee sanado ka hor laga saaray.

Al Shabaab ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah ka arrimineysay galbeedka Gobolka Shabellaha Dhexe, waxayna is ballaarinteedii bariga gobolkaasi ay ka dambeysay, ka dib markii ay xaqiiqsatay in ciidamadu ay weerar ku soo yihiin daanta galbeed ee gobolkaasi.

Al Shabaab ayaa soo hujuumtay dhulkii gacanteeda ka maqnaa ee bariga gobolkan, maalmo yar uun ka dib, markii saraakiisha ay bartamihii bishaasi ku dhawaaqeen in gobolku uu ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Dagaalkan ay Al Shabaab u soo rartay bariga gobolka ayay uga dan lahayd in ay muddo dheer sii joogto galbeedka gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc