Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in ay hakisay wada hadaladii ganacsiga xorta ahaa ee ay kula jirtay Israel, iyadoo dhanka kalena London ay cunaqabateyn saartay Israeliyiinta xagjirka ee sii hurinaya rabshadaha Israeliyiinta la deegaameeyay ka sameynayaan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
London ayaa sare u qaadeysa cadaadiskeeda xukuumadda uu Raysal Wasaaraha ka yahay Benjamin Netanyahu, si ay u aqbasho xabad joojinta Gaza iyo inay fasaxdo gargaarka aadka loogu baahan yahay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa dhalleeceeyay ficilada bahalnimada ah ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa ficilada Israel ku tilmaamay wax xun, wuxuuna cambaareeyay habdhaqanka iyo weerarada Israeliyiinta xagjirka ah ay ka gaysanayaan Daanta Galbeed, isagoona sheegay in Maamulka Raysal Wasaare Netanyahu uu ka masuul yahay inay London soo fara-geliso, si ay u joojiyaan falalkooda.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdiisu aysan sii wadi karin wada hadalada ku saabsan cusbooneysiinta heshiiskii ganacsi ee kala dhaxeeyay sida uu yiri Dowladda Israel, iyada oo taageersan waxa uu ugu yeeray siyaasadaha foosha xun ee Gaza iyo Daanta Galbeed.
“Waxaan joojinay wada hadaladii aan la galnay Dowladda Israel ee lagu cusbooneysiinayay heshiiska ganacsiga xorta ah.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska.
Wasiirka ayaa ku waramaya in UK ay dib u eegis ku sameynayso wada shaqeyntii ay la lahayd Israel, isagoona masuuliyadda dusha kaga tuuray Netanyahu iyo kooxdiisa.
“Falalka Xukuumadda Netanyahu ayaa tan ka dhigay mid lama huraan ah.” Ayuu yiri Wasiir Lammy oo intaa raaciyay “Taariikhda ayaa xukumi doonta iyaga. Is hortaaga gargaarka, ballaarinta dagaalka, diidmada welwelka asxaabtaada iyo la hawlgalayaashaada, waa mid aan la difaaci karin, waana in la joojiyo.”
Lammy ayaa dhanka kale sheegay in UK ay cunaqabateyn ku soo rogtay saddex shakhsi, laba goobood oo deegaameyn sharci darro ah laga sameeyay iyo laba urur oo Israeliyiin ah, kuwaas oo taageera rabshadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta Daanta Galbeed.
Lammy ayaa xusay in deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta ay ku fideen Daanta Galbeed, iyagoo taageero cad ka helaya buu yiri Dowladda Israel.
Cadaadiska Israel uga imanaya xulafadeeda dhow ayaa imanaya, ka dib muddo saddex bil ku dhow oo ay is hortaag ku haysay kaalmadii bani’aadantinimo ee caalamka uu gaynayay Gaza.
Ingiriiska ayaa ka mid ah dowladaha reer galbeedka ee cadaadiska uu ka haysto gudaha, si ay cilaaqaadka ugu jiraan Israel. Shacabka ayaa culeys ku saaraya hoggaamiyeyaashooda in Israel lagu ciqaabo dhiigga ay daadineyso iyo ku tumashadeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.