Home Wararka Caalamka Indhaha Yurub oo ku sii jeeda Wasiirada xagjirka ah ee Israel, si tallaabo looga qaado

Indhaha Yurub oo ku sii jeeda Wasiirada xagjirka ah ee Israel, si tallaabo looga qaado

by Laacib

Iyadoo ay sii kordheyso xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Yurub iyo Israel ayay reer Yurub ka shaqeynayaan, sidii ay cunaqabateyn ugu soo rogi lahaayeen Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Hoggaamiyeyaaasha reer galbeedka ayaa Israel ku cadaadinaya in ay joojiso xasuuqeeda Gaza, in ay fasaxdo nooc kasta oo gargaar ah oo la gaarsiinayo dadka reer Gaza iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka sameynayso Daanta Galbeed ee la haysto.

Hase yeeshee xabad joojinta Gaza ayaa waxaa ka soo horjeeda Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich, kuwaas oo Raysal Wasaare Netanyahu ka hortaagan in uu heshiis xabad joojin ah la galo Ururka Xamaas.

Wasiiradan ayaa lagu tilmaamaa labada nin ee ugu xagjirsan ee ka tirsan xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo, waana Wasiirada axsaabta midigta fog ku metela dowladda wadaagga ah.

Xukuumadda Netanyahu ayaa ku tiirsan isbahaysiga midigta fog, oo ka biyo diidan in la soo afjaro colaadda Gaza, iyadoo aan Xamaas laga adkaan.

Ben-Gvir iyo Smotrich ayaa ku hanjabaya in ay ridi doonaan dowladda ku dhisan taageeradooda, haddii Netanyahu uu aqbalo in xabad joojin waarta laga sameeyo Marinka Gaza. Netanyahu ayaa la fahamsan yahay in uu ku gowracan yahay in uu fuliyo dalabkooda, si uu burbur uga ilaaliyo dowladda uu hoggaamiyo oo waqtigeeda ku eg daba-yaaqada sanadka soo socda ee 2026.

Reer Yurub oo hor iyo horaanba xaqiiqsanaa in raggaasi ay dhibaato ku yihiin heshiiska xabad joojinta Gaza iyo in la joojiyo dhiigga shacabka aan is difaaci karin ee daadanaya ayaa wada dadaalo ay ku xakameynayaan dhaqdhaqaaqooda, iyadoo markaasi laga joojinayo safarada dibadda, gaar ahaan Yurub.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa qoreysa in dalalka reer galbeedka ay xitaa ka shaqeynayaan in la xanibo hantidooda dibadda.

Ingiriiska ayaa horkacaya dowladaha reer Yurub ee xubnaha ka ah NATO, isla-markaana damacsan in cunaqabateyn la saaro labadaasi nin, maadaama loo arko in ay ka masuul yihiin colaadda Gaza iyo xasilloonida darrada haatan ka jirta Bariga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich uu ciqaab gaar ah ku mudan karo deegaameynta ay Tel Aviv ka waddo Daanta Galbeed iyo rabshadaha ay ka gaysanayaan Israeliyiinta xagjirka ah ee dhul boobka ka sameynaya.

Wasiirkan ayaa la aaminsan yahay in uu ka masuul yahay kordhinta Israel ay muddooyinkii u dambeysay kordhisay weerareeda Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Smotrich ayaa ah hoggaamiyaha xisbiga xagjirka ah ee National Union–Tkuma, waana Wasiirka koowaad ee la ogyahay in Netanyahu uu ka waabto, bacdamaa xisbiga uu hoggaamiyo uu yahay kan ay dowladdiisu taageerada ugu badan ka haysato. Xisbiga National Union–Tkuma oo keliya oo ka baxa dowladda ayaa ku filan in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, taas oo Netanyahu uu ka xeeladeysanayo.

Reer galbeedka ayaa si aan looga baran ugu howlan, sidii xabad joojin degdeg ah looga samayn lahaa Marinka Gaza iyo sidii loo soo afjari lahaa deegaameynta Israel ee Daanta Galbeed.

Dagaalka Gaza ayaa indhaha dunida ku soo jeediyay gabood-falada ay Israel muddada dheer ka gaysaneysay dhulka Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc