Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay dhinteen laba qof oo midi ay haweeney tahay, ka dib toogasho ka dhacday Magaalada Washington.
Toogashadan ayaa xalay ka dhacday bannaanka hore ee Matxafka (Madxafka) Yahuudda ee magaaladaasi.
Labada qof ee dhintay ayaa ka tirsanaa Shaqaalaha Safaaradda Israel ee Washington, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Mareykanka iyo Israel.
Wasiirka Amniga Mareykanka, haweeneyda lagu magacaabo Kristi Noem ayaa sheegtay in si macno darro ah dadkaasi loogu dilay magaalada, isla-markaana ay baarayaan dhacdadaasi.
“Laba ka mid ah Shaqaalaha Safaaradda Israel ayaa si macno darro ah caawa loogu dilay meel u dhow Matxafka Yuhuudda ee Washington DC. Waxaan si firfircoon u baaraynaa oo aan ka shaqeynaynaa, sidii aan u heli lahayn macluumaad dheeraad ah.” Ayay tiri Kristi Noem.
“Fadlan haloo duceeyo qoysaska dhibaneyaasha. Waxaan dembiilaha wax xumeeyay horgayn doonnaa sharciga.” Ayay sii raacisay Kristi Noem oo warkan ku sheegtay qoraal.
Yechiel Leiter, Safiirka Israel ee Mareykanka ayaa Saxaafadda u sheegay in labada qof ee la dilay ay ahaayeen lamaane qorsheynayay in toddobaadka soo socda ay is guursadaan.
Warbaahinta maxaliga ayaa saraakiisha laamaha amniga ka soo xigatay in nin marayay bannaanka madxafka uu rasaas ku furay dadkaasi, isla-markaana la soo xiray, isaga oo ku qaylinaya Falastiin ha xorowdo.
Safiirka Israel u jooga Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa weerarka ku tilmaamay fal argagixiso oo Yahuud naceyb ah.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha lagu magacaabo Elias Rodriguez, kaas oo ay sheegeen inuu yahay 30 jir ka soo jeeda Magaalada Chicago.
Madaxa Guddiga Yahuudda ee Mareykanka, Ted Deutch ayaa sheegay in dadka Yahuudda ay munaasabad ku lahaayeen madxafka, xilligii ay toogashada ka dhaceysay bannaanka dhismaha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, Pam Bondi oo ka soo muuqatay Warbaahinta ayaa sheegtay in ay joogtay goobta, waxayna u duceysay dadka ku dhintay toogashada.
Agaasimaha Hay’adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI, Kash Patel ayaa isna sheegay in hay’addiisu ay booliska kala shaqeynayso baaritaanka.
Madaxweyne Donald Trump ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxaana uu ku sheegay fal naceyb ku saleysan.
“Dilkan foosha xun ee ka dhacay Washington ayaa ku saleysan naceyb cad, waana in la soo afjaraa hadda. Naceybka iyo xagjirnimada meelna kuma lahan Mareykanka.” Ayuu yiri Trump oo warkan ku sheegay bartiisa Truth Social.
Goobjoogeyaasha ayaa Warbaahinta u sheegay, ka hor inta aan gacanta lagu dhigin ninka toogashada gaystay uu ku qaylinayay inuu si toos ah uga soo horjeedo xasuuqa Gaza.
Dunida ayaa waxaa ka jira gadood xoog leh oo ka dhashay gaajeysiinta ay Israel ku hayso dadka reer Gaza iyo weeraradeeda aan ka fiirsashada lahayn ee ay ku leynayso shacabka dhibaateysan.