Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Kormeerka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wasaaradda Gaashaandhiga

Macluumaad la xiriira: Kormeerka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Wasaaradda Gaashaandhiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Cumar Cali Cabdi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Sahal Cabdullaahi Cumar iyo xubno kale oo uu ka mid yahay La taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud.

War ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorsheyaasha horumarinta ciidanka ka dhageystay madaxda wasaaradda, isla-markaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib-u-habaynta iyo tayaynta Ciidamada Qaranka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyay geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee furimaha dagaalka ku jebiyay argagixisada ayaa adkeeyay in la dardargeliyo dib-u-dhiska ciidanka, waxa uuna xusay in xasilloonida iyo amniga dalka ay dowladdu dadaal badan gelisay.” Ayaa lagu yiri warka.

Warbaahinta ayaa ogaatay in kulanka si dhow looga hadlay dhaqdhaqaaqa ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe ee ciidamada loogu diyaarinayo hawlgal ay dib ugu la wareegayaan deegaanadii ay dhawaan maleeshiyada Al Shabaab ka qabsadeen bariga gobolkaasi.

Wasiir Fiqi iyo Taliye Odawaa ayaa sidoo kale isku-dubaridaya hawlgal kale, oo si wadajir ah ay ciidamada uga sameynayaan Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.

Hawlgalkan ayaa lagu soo nooleynaya wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee Gobolada Dhexe oo fadhiid noqday, ka dib markii Al Shabaab ay 20-kii bishii February bilowday in si aan horey loo arag ay u soo kubaareyso deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowrkii biloodba mar booqda Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taala Degmada Hodan, si uu ula socdo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, si warbixin looga siiyo xaaladda amniga dalka iyo la dagaalanka maleeshiyadaasi.

Markii ugu dambeysay ee Madaxweynuhu uu booqdo xaruntan ayaa ahayd 19-kii bishii January, waxaana kormeerada uu ku tago ay qayb ka yihiin howlihiisa shaqo ee qaranka.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale riixaya in la dardargeliyo gulufka dagaal ee dowladdiisu dooneyso in lagu wiiqo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc