Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa weerar afka ah ku qaaday hoggaamiyeyaasha reer galbeedka qaarkood, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay hurinayaan, waxa uu ugu yeeray Yahuud naceyb.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron iyo Raysal Wasaareyaasha Ingiriiska, Keir Starmer iyo Canada Mark Carney ku eedeeyay kicinta Yahuud naceyb, ka dib toogashadii habeen hore ka dhacday dalka Mareykanka ee lagu dilay laba ka mid ah Shaqaalaha Safaaraddooda ee dalkaasi.
Hoggaamiyeyaasha saddexdan dal ayaa Isniintii ka horyimid gaajeysiinta ay Israel ku hayso dadka rayidka ah iyo ballaarinta hawlgalkeeda militari ee Gaza. Hoggaamiyeyaashan ayaa warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in ay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah Israel, haddii aysan ogolaan in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Marinka Gaza, isla-markaana aan la soo afjarin is hortaaga ay ciidamadeeda ku hayaan kaalmada bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.
Hoggaamiyaha Israel ayaa xalay Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Canada ku eedeeyay in ay la safteen dad carruurta dila, dumarkana kufsada oo uu ula jeedo Xamaas.
Waxa uu sheegay in Xamaas ay dooneyso inay burburiso Israel, isla-markaana ay baabi’iso sida uu yiri dadka Yahuudda ah.
“Marnaba ma fahmi karo, sida runtan fudud ay uga baxsaneyso Hoggaamiyeyaasha Faransiiska, Ingiriiska, Canada iyo kuwa kale.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Israel.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel oo ka soo muuqday muuqaal uu soo duubay ayaa hoggaamiyeyaasha dalalkan oo xulafo dhow ay yihiin ku dhalleeceeyay in ay dhinac khaldan ka taagan yihiin caddaaladda, bani’aadantinimada iyo taariikhda, sida uu yiri.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa isla xiriiriyay hanjabaadooda iyo toogashada ka dhacday bannaanka Madxafka Yahuudda ee Magaalada Washington ee lagu dilay labada qof ee reer Israel.
Raysal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in toogashadan ay ka dhalatay sida uu yiri natiijada xun ee Yahuud naceybka iyo kicinta baahsan ee ka dhanka ah Dowladda Israel
“In lagu kaco Dowladda Israel waxay keentaa inuu dhiig daato.” Ayuu yiri Netanyahu, isaga oo tixraacaya hanjabaadda xukuumaddiisa uga timid hoggaamiyeyaasha dalalkaasi.
Ugu yaraan 53,762 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza, halka 122,197 kalena lagu dhaawacay, tan iyo markii Israel ay ku duushay Marinka Gaza, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Reer galbeedka ayaa Israel ka dalbanaya in ay aqbasho xabad joojinta Gaza, inay qaaddo xayiraadeeda gargaarka bani’aadantinimo iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka waddo Daanta Galbeed, ka dibna la bilaabo in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, taasoo uu Netanyahu ka biyo diidan yahay.
Netanyahu ayaa si adag u diiday in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, wuxuuna taasi bedelkeeda uu amar ku bixiyay la dardargeliyo hawlgalka cusub ay Axaddii ciidamadiisu ka bilaabeen Gaza ee ay ugu magac darayn (Hawlgalka Gideon Chariots), kaas oo ay sheegeen inay ku xaqiijinayaan guusha dagaalka.
Hawlgalkan ayaa ah olole ballaaran oo militari oo dhinaca dhulka ah, waxayna Israel sheegtay in ay kula wareegeyso amniga Marinka Gaza.