Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo ku baaqay in laga faa’iideysto go’aanka Macawiisleyda reer Hiiraan

Sanbaloolshe oo ku baaqay in laga faa’iideysto go’aanka Macawiisleyda reer Hiiraan

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ku ammaanay in ay ka go’an tahay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in laga faa’iideysto, lana taageero dagaalka ay u taagan yihiin.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda ayaa Degmada Moqokori ee gobolkaasi ka wada kulamo uu la qaadanayo dadka deegaanka, si loo dardargeliyo dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

Agaasimaha oo gelinkii dambe ee Khamiistii ka hadlayay kulan uu degmadaasi kula yeeshay Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada, Hoggaanka Macawiisleyda iyo waxgaradka deegaanka ayaa bogaadiyay, sida beesha bariga gobolkaasi ay hormuudka ugu tahay dagaalkan. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) iyo xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto gobolkaasi.

Agaasimaha NISA oo ka soo jeeda beeshaasi ayaa weydiistay in deegaanadooda oo keliya aysan difaacan, balse sidoo kalena ay gacan ka gaystaan in Shabaab dib looga riixo dhulkii ay billihii u dambeeyay ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanada ku dhow dhow xuduudda labada gobol.

“Dagaalka aan annaga hadda ku jirno keliya ma ahan inaan difaacanayno deegaanadeenna, laakiin deegaanadii ay qabsadeen oo dhan waa inaan soo celinaa, maxaa yeelay nimankan inta Aadan Yabaal, Ceelbaraf iyo Ceel Cali Axmed ay difaac uga jiraan oo godad uga qodan yihiin nabad kuma seexan karno, welwel la’aan kuma seexan karno oo kalsooni kuma seexan karno.” Ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda NISA.

Waxa kaloo uu yiri “Waxaan aad iyo aad idiinkugu guubaabinayaa adkeysiga aad sameyseen iyo calaamadda aad Soomaali u tihiin, oo Shabaab markii horena aad sarteen oo madaxiisa aad bajiseen oo aad tusteen in laga adkaan karo, markii la joogay 2022. Maalintaas iyo maantana waad ogtihiinoo difaac kama bixin oo dagaal kama bixin, oo intaas waxay qorsheynayeen inay na qaybiyaan oo ay na cadaadiyaan oo aan is dhiibno, oo ay na kala furfuraan oo na xoogaan oo na san duleeyaan, marnaba arrinkaas isaga ah madaxa uma raaricin.”

Sanbaloolshe ayaa Macawiisleyda ku booriyay “Waxaad ogeyd ayaad soo marteen, haddana hore iyo gadaal horaa noo dhow’e gadaal meel aan u noqono ma jirto.”

Sanbaloolshe ayaa beelaha gobolka ee aan qaybta ka ahayn dagaalkan ugu baaqay inay kaalintooda ka qaataan, isla-markaana ay naf iyo maalba u huraan, sidii gobolkaasi looga kicin lahaa Al Shabaab.

“Waxaan codsi u soo jeedinayaa inuu dadku isa soo raaco, naf iyo maalba wixii ay u huri karaan inay u soo huraan.” Ayuu yiri Sanbaloolshe oo intaa raaciyay “Waxaan codsi u jeedinayaa in Shabaab maanta waxa u haray waa yar yihiinee aan is raacino, guul aan idiinka baqiilaynana ma jirto, guushana waa isla leenahay, guul-darradana waan isla leenahay.”

Isagoo hadalkiisa sii wato ayaa waxa uu yiri “Maantay garab ayaan u baanahay, waa haddii hilib isu kayna yaalo, waa haddii Soomaalinimo ay naga dhaxeyso, waa haddii ehelnimo ay jirto, waa haddii dowladnimada hadda la hayo oo intaan oo ummad ah ay dhiigeeda u bixineyso ay naga dhaxeyso.”

Sanbaloolshe ayaa beelaha kale ee dega Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud ugu yeeray in ay dagaalka ka bilaabaan goboladaasi amaba ay yimaadaan goobta uu ka socdo, si gacan loo wada saaro Al Shabaab.

“Waxaan aaminsanahay far keliya fool ma dhaqdee, haddaan isku tagno waan jiidi karnaa Shabaab, intuu annaga na jiidi lahaa, kaalaya ee nala jiida.” Ayuu yiri Sanbaloolshe.

Sanbaloolshe ayaa Madaxda Qaranka ugu baaqay in laga faa’iideysto cududda dadka deegaanka ee ay ka go’an tahay in laga adkaado Al Shabaab.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaan leeyahay meeshaan waxaa ka furan fursad militari oo Shabaab lagu jebin karo, rabitaanka, geesinimada iyo go’aanka dadka deegaankan laga faa’iideysan karo.” Ayuu yiri Sanbaloolshe oo hadalkiisa ku xoojiyay “Waxba yaan la cago jiidin, waxba yaanan shirar waqti lagu luminin. Dab meeshuu ka shidan yahaa la rabaa in qoryaha lagu sii shido.”

Sanbaloolshe ayaa u safray gobolkaasi, ka dib markii Macawiisleyda deegaanka ay cabasho ka muujiyeen in ay ku keli noqdeen dagaalka Al Shabaab, iyagoo welibana aan taakuleyn ku filan ka heleynin Dowladda Federaalka.

Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa xudun u ah Ciidanka Difaaca Shacabka, oo ah ciidan deegaanka ah oo loo abaabulay in ay Ciidanka Xoogga Dalka ka gacan siiyaan dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc