Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed oo weeraray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Shariif Sheekh Axmed oo weeraray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

by Laacib

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay caburin ku hayso dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada amniga ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku xiray koox Wariyeyaal ah, iyadoona Warbaahinta madaxbannaan qaybteed looga digay inaanay baahin karin codadka dadka aan la dhacsaneyn Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa fal aad u fool xun ku tilmaamay tallaabada lagu xiray Wariyeyaasha, isagoona ka digay caburinta uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay sameynayso.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in la xiray in ka badan toddobo Saxafi, kuwaas oo uu sheegay in loo xiray keliya inay dadweynaha ka wareysanayeen aragtidooda kala duwan ee xaaladda dalka.

“Falkaas waxaa lagu xiray Wariyeyaal iyo dad shacab ah oo dadkii la wareysanayay ah. Aad iyo aad ayuu uga soo horjeedaa dowladnimada, xorriyadda Saxaafadda iyo xorriyatul qowlka, intaba.” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

“Waxaan ku cambaareynaynaa dowladda inay Wariyeyaashii runtii dowlad dhiska qaybta ka ahaa ee waqtigooda u soo huray dhisidda dowladnimada in loo xiro, maxaad wax u baahineysiin.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo intaasi ku daray “Waa fal aad iyo aad u fool xun oo muujinaya habka guracan ee nidaamka hadda jira uu u caburinayo dadka Soomaaliyeed.”

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanay aqbali karin in Wariyeyaashu ay wareystaan dadka reer Muqdisho.

“Waxaa nasiib darro ah maanta oo nidaamka jira uu sheeganayo inuu rabo inuu qabto doorasho qof iyo cod ah inuusan aqbali karin in Wariyeyaashu ay wareystaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Muqdisho jooga, una adkeysan waayeen runtii ra’yiga dadka, keentayna in la xiro TV-yadaas oo ay ka mid yihiin Shabelle, SYL, Somali Cable iyo Goobjoog.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Maxamed.

Waxa kaloo uu yiri “Waa fal runtii aan ku celinayno cambaareyntiisa oo aad iyo aad u xun, kana soo horjeeda dastuurka noo yaala oo dowladnimadeennu ku dhisan tahay.”

Shariifka ayaa Villa Somalia ugu yeeray inay si degdeg ah u sii deyso Wariyeyaasha iyo dadkii kale ee lala xiray, isla-markaana ay joojiso caburinta ay ku hayso bulshada Muqdisho.

“Marka waxaan leenahay joojiya cadaadiska shacabka Soomaaliyeed. Howsha maanta noo taalla ama Soomaali u taalla waa cadowga dowladnimada la dirirayo oo Al Shabaab ah. Marka haku marmarsiyoonina waxyaabo aan macno sameynaynin ee masuuliyaddiina qaata. Maanta Ciidamada Qalabka Sida inaad u jiheysiin ayay ahayd inay la diriraan cadowga, xog ka keenaan oo ciribtiraan, daba galaan ayay ahayd, laakiin inaad shacabka iyo Wariyeyaasha u adeegsataan, aad iyo aad ayaan uga xunahay.” Ayuu yiri Shariifka oo ku celiyay in la sii daayo Wariyeyaashaasi.

Xarigga Wariyeyaasha ayaa imanaya 24 saac uun ka dib, markii Siyaasiyiinta Mucaaradka ay kulamo ka bilaabeen Magaalada Muqdisho.

Mucaaradka oo ay qayb ka yihiin madax hore ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo caasimadda, iyadoo dowladduna ay isha ku hayso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc