Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay ninkii waardiyaha ahaa ee lagu eedeeyay inuu dilay Allaha u naxariistee Cabdifitaax Cabdi Cismaan (Cabdifitaax Carab), oo si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan bahda kubadda cagta.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Shariif Maxamed Axmed ayaa marxuumka ku dilay ka soo horjeedka Dhismaha Safari Apartments, xilli uu ku sii jeeday Shirkadda Astaan oo shaqaalaheeda uu haatan ka mid ahaa.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in waardiyuhu uu xabad ku dhuftay marxuumka, isagoo wata mooto, isla-markaana marayay waddada.
Waardiyaha ayay wararka sheegayaan in uu ka mid ahaa askar ilaali ahaan u joogtay goobta.
Qoyska marxuumka oo ka carooday tallaabada lagu dilay ayaa diiday in la aaso, iyadoo aan sharciga la horkeenin ninkii dilay.
Meydka marxuumka oo markii hore la geeyay Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ayaa loo qaaday Isbitaalka Madiina, si qaboojiye loo geliyo, maadaama ay qoyskiisu ka biyo diideen in la aaso, illaa iyo inta ay caddaalad ka helayaan.
Ciidamada amniga oo intaasi ka dib dhaqdhaqaaq sameeyay ayaa saacado ka dib eedeysanaha ku soo xiray Saldhigga Booliska ee Degmada Hodan.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir, Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa ballanqaaday in ninkaasi ay horgayn doonaan sharciga.
Cabdifitaax Carab ayaa ahaa ciyaaryahan horey ugu soo ciyaaray Xulka Qaranka iyo naadiyada kubadda cagta ee Elman, Banaadir Telecom, Saxafi iyo kuwo kale oo ka dhisan Magaalada Muqdisho.
Cabdifitaax Carab ayaa ifka uga tagey hal wiil iyo xaas.