Taliska Militariga Somaliya ayaa dardargelinaya hawlgalka ay tahay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay ku xoreeyaan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamada duleedka degmadaasi.
Ciidamada ayaa 18-kii bishan bilaabay in ay culeys soo saaraan degmadan, maalin uun ka dib, markii Shabaabku ay ku guuldareysteen weerar uu ujeedkoodu ahaa in ay kula wareegaan fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin aagga deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa galabta gaaray Degmada Moqokori, si uu u riixo dardargelinta hawlgalka maleeshiyada Shabaabka lagaga sifeynayo deegaanada dhaca xuduudda Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe iyo xoreynta Degmada Aadan Yabaal.
Taliyaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) iyo Hoggaanka Macawiisleyda reer Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo maalmihii u dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa diyaarad helicopter ah ku gaaray degmada xuduudda ku dhow ee Moqokori.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha ay ka sii horreysay diyaarad kaloo helicopter ah, taas oo hub iyo rasaasba ka dejisay degmadaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in General Sahal Cabdullaahi Cumar uu si gaar ah u xoojin doono qorshaha socda ee Shabaabka lagaga saarayo Degmada Aadan Yabaal, si loo xaqiijiyo amniga waddada xiriirisa Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Moqokori
Shabaabka Aadan Yabaal oo xeeladahooda adeegsanaya ayaa weeraro gaadmo ah ku soo qaadaya deegaaanada ku dhow dhow xadka, si ay ugu muujiyaan in dagaalku uu ka fog yahay degmadaasi.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo Arbacadii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hawlgalka dalka looga ciribtirayo Al Shabaab uu galay weji cusub.
Wasiir Fiqi iyo Taliska Militariga ayaa la fahamsan yahay in ay hadda diiradda saarayaan Hirshabelle, oo Shabaabku ay culeys gaar ahi ku hayaan.
Hirshabelle ayaa billihii u dambeeyay noqotay furin dagaal oo si weyn loogu dagaalamo, ka dib markii Shabaabku ay 20-kii bishii February dagaalkooda u soo rareen bariga labada gobol ee Hirshabelle, gaar ahaan Gobolka Shabellaha Dhexe.