Home Wararka Caalamka Gantaalada Xuutiyiinta oo mowjado ka kiciyay gudaha Israel

Gantaalada Xuutiyiinta oo mowjado ka kiciyay gudaha Israel

by Laacib

Gantaalada ballaastikada ee Xuutiyiinta Yemen ayaa caqabad amni iyo mid dhaqaalaba ku noqday Israel, iyadoo dhinaca kalena ay aad uga cabanayaan shacabka Israel.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa Axaddii oo ugu dambeysay gantaal Hypersonic ah ku weeraray Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.

Dhawaqa seeriga digniinaha ee duulaanka cirka ayaa shalay mallaayiin qof oo Israeliyiin ah ku riixay in ay ka cararaan bugcad kasta, oo ay kaga sugnaayeen dhulka Israel, si ay ugu xaroodaan goobaha amniga ee la gabaadsado.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree oo xalay ka soo muuqday Telefishinka Al Masirah ayaa ku celiyay in ay iyagu u xiran tahay hawada Israel, isla-markaana ay bartilmaameed tahay Dekedda Haifa ee waqooyiga Israel, isagoona maraakiibta ganacsiga caalamiga ah uga digay inay ku xirtaan dekeddaasi.

Shacabka Israel ayaa ka cabanaya in dhawaqa digniinaha ee sida joogtada ah looga shidayo gudaha Israel uu kaga cabsi badan yahay gantaalada ka soo dhacaya jihada dalka Yemen.

Dhawaqa seeriga ayaa ah nooc digniin oo dadka loogu sheegayo in uu jiro weerar xagga cirka ah, si ay gabaad u raadsadaan, inta ay xaaladda dhinac u dhaceyso, khasaaraha rayidkana uu u yaraado. Seeriga ayaan ka istaarmin magaalooyinka iyo deegaaanada Israel, haddii aanu weerar toos ah ku soo socon. Marka seeriga la maqlo waa inuu weerar ku soo wajahan yahay gudaha Israel.

Shacabka Israel ayaa waxay sidoo kale ka cabanayaan in ay ku nagaan la’yihiin guryahooda iyo goobahooda shaqada, xilli kastana ay ku khasban yihiin in marka uu seerigu dhawaaqo ay u cararaan goobaha gabaadka ee amniga ee gantaalada laga galo.

Shacabka ayaa la kulma isbuurasho, inta ay godadka ku cararayaan, ayna is leeyihiin ka baxsada gantaalaha Xuutiyiinta, waxaana halkaasi ka dhasha khasaare dhexdooda ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa dhawaan qiray in Xuutiyiinta Yemen ay argagax gelin ku hayaan shacabka Israel, falkaas oo uu ku sheegay inuu yahay dembi dagaal, sida uu yiri.

Warbaahinta gudaha ayaa waxaa si joogta ah ula soo xiriiraya dadka doonaya in codkooda la baahiyo ee ka walaacsan gantaalaha maalinlaha ee ay Xuutiyiinta ku soo weerarayaan dhulka Israel iyo seeriga ka horreya ay dhegahoodu ka nasan la’yihiin.

Tani waxay sii wiiqday taageeradii ay Israeliyiinta u hayeen dagaalka Gaza, haddii la isugu yimid ammaankoodii iyo in ay halis ugu jiraan inay dhintaan.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa inay soo badanayaan shacabka diidan dagaalka ka socdo Marinka Gaza, sababtu tahay saamaynta togan ay ku yeesheen gantaalada ururka reer Yemen.

Israel ayaa marar kala duwan oo hore weeraro ka gaysatay gudaha Yemen, ha yeeshee taasi ma noqon mid cabsi gelisa Xuutiyiinta, oo aadba mooddo in weeraradoodu ay sii xoojiyeen.

Israel ayaan ka baxsan karin weerarada uga imanaya dalka Yemen ee lagu dalbanayo in ay joojiso xasuuqeeda Gaza iyo inay qaaddo go’doominta ay ku hayso, tiiyoo haddana ay madaxdeedu diidan yihiin in la soo afjaro dagaalkan.

Waxa ka cusub gudaha Israel ayaa ah in markii ugu horreysay shacabka qaarkood ay sheegayaan in waxa ka socdo Gaza uu yahay xasuuq, ayna tahay in la joojiyo.

Wargeyska Jerusalem Post oo ka mid ah wargeysyada loogu akhriska badan yahay ee Israel ayaa qoray in Israel ay xaalad adag soo wajahday, ka dib markii dadkeeda ay ku kala qaybsameen dagaalkan, isla-markaana uu dagaalku kala qaybiyay shacabkii halka dhinac kaga soo wada jeeday cadowgooda.

Wargeyska ayaa ku waramaya in bulshada Israel aysan hadda ahayn kuwo mideysan, taasna ay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka Dowladnimada Israel.

Kala qaybsanaantan ayuu wargeysku ku sheegay tii ugu weyneyd ee taariikhda Israel, bacdamaa ay isa soo tarayaan dadka diidan dagaalka aan natiijada lahayn ay rayidka faraha badan ku dhimanayaan.

Shacabka uu is bedelay fekerkooda dagaalka ayaa ku biiraya mudaaharaadyada lagu dhalleeceynayo dowladda uu madaxda ka yahay Benjamin Netanyahu.

Mucaaradka Israel iyo taageereyaashooda ayaa dagaalka Gaza ku sheegaya inaanu ahayn dagaal Israel, balse uu yahay dagaal ay ujeedooyin guracan ka leeyihiin Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee hoggaanka u haya dowladdiisa, isla-markaana ku hoggaaminaya in ciidamadu ay sii wadaan dagaalkan oo si aan loo meel dayin loogu leynayo dadka rayidka ah.

Yair Lapid, Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel iyo madax hore oo Raysal Wasaareyaal ay ku jiraan ayaa Netanyahu ku eedeynaya in dagaalku uu ku raali gelinayo siyaasiyiinta axsaabta midigta fog ee isbahaysiga la ah dowladdiisa, maadaama ay ugu hanjabayaan in dowladdiisu ay burburi doonto, haddii uu aqbalo in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza.

Dowladda Netanyahu ayaa ku dhisan taageerada axsaabta midigta fog, oo haddii ay dowladiisu ka baxaana ay khasab tahay in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana sababta uu Netanyahu ugu dhega nugul yahay in uu tixgeliyo rabitaankooda ah inaanan la joojin dagaalka, iyadoo aan Xamaas laga adkaan.

Bannaanbaxyada lagu diidan yahay dagaalka Gaza ayaa waxaa horey u waday qoysaska, ehelada iyo saaxiibada ee maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, kuwaas oo ka soo horjeeda duqaymaha waalida ah ay Militariga Israel ka gaysanayaan Marinka, dhowr jeer oo horena ay ku dhinteen tiro maxaabiis ah.

Bannaanbaxyadan oo marba marka ka dambeysa ay soo badanayaan dadka ka qaybgelaya ayaa waxaa mar dhexe ku biiray waalidiinta, xaasaska iyo carruurta ee askarta ka dagaalameysa Marinka Gaza, ka gadaal markii ay korortay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee askarta, inkastoo dowladdoodu ay aad u qariso xogta khasaaraha ee ciidamada, marka ay noqoto macluumaadka lala wadaago Warbaahinta oo aad uga yar xogta la siiyo qoysaska askarta.

Bannaanbaxayaasha ayaa Hoggaamiyaha Israel iyo Wasiirada mayalka adag ee horboodaya ku dhaliilaya inay sameynayaan masuuliyad darro, isla-markaan ay badqabka askarta, maxaabiista iyo danta dalka ka hormarinayaan xasuuq cawaaqib ba’an ku yeelanaya dalka iyo dadkaba.

Xuutiyiinta ayuu dagaalka Gaza uga dhigan yahay khad cas, inta uu socdana ay weerarada Yemen noqon doonaan kuwo aan la joojin karin.

Xoogaga Xuutiyiinta ayaa tallaabooyinkooda militari si buuxda ugu garab taagan shacabka Falastiin, gaar ahaan reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc