Home Wararka Caalamka Caqabad ka taagan helitaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza

Caqabad ka taagan helitaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza

by Laacib

Israel ayaa waxay weli diidan tahay in Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ay si xor ah gargaarka u geeyaan Marinka Gaza, isla-markaana ay sii wadaan gargaarkii ay muddada dheer u qaybinayeen dadka rayidka ah.

Israel oo taageero kaga haysata Mareykanka ayaa sameysay NGO ay u xulatay keenista gargaarka iyo inay ka qaybiyaan gudaha Gaza, taas oo ay Qaramada Midoobey ka hortimid.

NGO-gan oo lagu magacaabo Gaza Humanitarian Foundation (GHF) ayaa Isniintii sheegay in ay si degdeg ah uga hawlgali doonaan Marinka Gaza, iyagoo keenaya gargaarka, kana qaybinaya Gaza, saacado uun ka dib, markii uu is casilay ninkii madaxda looga dhigay.

Jake Wood ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilayo xilkaasi, maadaama hay’addu aysan ahayn mid madaxbannaan oo dhexdhexaad ah.

Jake Wood ayaa sheegay in uu go’aankan qaatay, ka dib markii uu garowsaday in shaqada loo diray aysan dabooli karin baahida bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Mr. Wood ayaa sheegay in tani ay ka hor imaaneyso mabaadi’da samafalka ee ku dhisan madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada.

Hay’addan cusub ee Israel gadaal ka riixeyso ayaa waxay shaqaaleysiinaysaa shirkado dhinaca ammaannka oo gaar loo leeyahay oo Mareykan ah, si ay u kormeeraan habka Falastiiniyiin la soo xulay ay raashiinka qoysaskooda uga soo qaadi doonaan goobaha loo asteeyay in lagu qaybiyo.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka ayaa ka horyimid hannaanka cusub ee gargaar qaybinta looga sameynayo Gaza, iyagoona ka digay in dadka reer Gaza ay wajahayaan khatar macluul ah.

Qaramada Midoobey iyo hay’adaha waaweyn ee bani’aadantinimada ayaa walaac ka muujiyay in Hay’adda GHF loo sameeyay in la xadido helitaanka cuntada iyo in aanu gargaarku gaarin goobaha ay Israel diidan tahay in la tago ee ka midka ah Marinka Gaza.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) iyo hay’adaha kale ee wada shaqaynta kala dhaxeyso ayaa diiday inay la shaqeeyaan hay’addaasi, bacdamaa aanay ahayn mid dhexdhexaad ah.

OCHA ayaa dalbatay in la qaado xayiraadda gargaarka ee Gaza, si wax lagaga qabto masiibada bani’aadantinimo ee aadka u daran ee ka jirta bugcad kasta oo Gaza ah.

Shiinaha ayaa ka digay tallaabooyinka Israel ee liddiga ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada ee ilaalinaya mabaadi’da madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada ee howlaha samafalka.

Qaramada Midoobey, Shiinaha iyo dalalka reer galbeedka ayaa Israel ugu baaqay in ay gudato masuuliyadda ka saaran waajibaadkeeda sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, isla-markaana ay soo afjarto xanibaadda gargaarka, si sahayda ay u noqoto mid laga heli karo Gaza oo dhan.

Israel ayaa 2-dii bishii March soo rogtay xanibaad guud oo ka dhan ah gargaarkii bani’aadantinimo ee la gaynayay Marinka Gaza, inkastoo ay toddobaadkii hore ogolaatay in gargaar aasaasi ah la geeyo Gaza.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in gargaarka kooban ee la fasaxay aanu waxba ka tari karin baahida bani’aadantinimo ee aadka u korortay, muddada labada bilood iyo barka ee aan wax gargaarka ah la gaarsiin gudaha Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc