Home Wararka Caalamka Xamaas oo ogolaatay hindise cusub oo xabad joojin ah

Xamaas oo ogolaatay hindise cusub oo xabad joojin ah

by Laacib

Warbaahinta caalamiga ah ayaa qoreysa in Ururka Xamaas ee Falastiin uu aqbalay hindise xabad joojin ku-meel-gaar ah, oo ay ka soo shaqeysay Dowladda Mareykanka.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in Xamaas ay ogolaatay hindise uu ururku sheegay in uu u soo gudbiyay Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff oo sidoo kale horseedaya in maxaabiis is dhaafsi ay sameeyaan iyaga iyo Israel.

Sarkaal Falastiini ah oo aan magaciisa la sheegin ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in hindisaha Steve Witkoff uu ku saleysan yahay in 70 maalmood xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo inay Xamaas sii deyso 10 ka mid ah maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, iyadoo ku bedelaneysa maxaabiis fara-badan oo Falastiiniyiin ah oo ku xiran jeelasha Israel, oo ay ku jiraan kuwa ku xukuman xabsiyada dhaadheer.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Xamaas ay laba jeer sii deyn doonto maxaabiistaasi, iyadoo markaasi marba shan la sii deynayo.

Waxa kaloo uu sheegay in hindisaha heshiiska uu qayb ka yahay in Ciidamada Israel ay ka bixi doonaan meelo ka mid ah Marinka Gaza.

Sarkaal kale oo ka tirsan Xamaas, magaciisana aan la sheegin ayaa BBC u sheegay in ururku uu aqbalay soo jeedintii ugu dambeysay ee uu soo jeediyay Ergayga Gaarka ee Madaxweyne Donald Trump.

Hase yeeshee Steve Witkoff ayaa Reuters u sheegay in waxa uu arkay ay yihiin wax aan gebi ahaanba la aqbali karin, isla-markaana soo jeedinta laga hadlayo aysan ahayn middiisii.

Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku warameysa in goor sii horreysay uu Mareykanku la wadaagay Israel hindisaha ay ka soo shaqeeyeen, balse aan la xaqiijin karin inuu yahay kan Xamaas ay aqbashay iyo in kale.

Israel ayaan wax faallo ah ka bixin hindisaha xabad joojinta ee la hadal hayo, Warbaahinta maxaliga ayaase masuuliyiin Israeliyiin ah oo magacyadooda la qariyay ka soo xigatay in qorshahan la diidi doono.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo aan ka falcelin hindisaha xabad joojinta ayaa muuqaal uu mar dambe soo duubay ku sheegay inuu rajeynayo inuu awood u yeesho in uu soo bandhigo horumarada ay ka sameynayaan dagaalka Gaza ee ka dhanka ah Xamaas iyo dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta.

“Maanta haddii aysan ahayn, markaas waxaan samayn doonnaa berri.” Ayuu yiri Netanyahu, isaga oo ku andacoonaya in xal aan wada hadal ahayn ay weli ku soo celin karaan maxaabiista.

Hoggaamiyeyaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Canada ayaa toddobaadkii hore ugu baaqay Netanyahu in uu ogolaado xabad joojinta Gaza, oo ay ku sheegeen xalka keliya ee lagu soo sii deyn karo maxaabiista.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc