Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa sheegay inaysan jirin meel ay uga laabtaan dagaalkan ay dadka reer Hiiraan kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadka gobolka ay ka go’an tahay inay sii wadaan dagaalka ay dalka kaga xoreynayaan kooxaha argagixisada, isagoona bulshada inteeda kalena ugu baaqay inay ku daysadaan dadka reer Hiiraan.
“Soomaali inteeda kalena waxaan leenahay inay sidaasi si la mid ah ay u istaagaan, nimankaas heeryadooda foosha xuna ay iska dulqaadaan.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Gudoomiyaha ayaa yiri “Annagu illaa Shabaab uu naga adkaado ama aan ka adkaano, oo aan rajeynayno welibana inaan ka adkaano ma istaageyso xabadeenna. Marka hal-ku-dhigeenna waa guul ama geeri. Soomaali inteeda kalena waxaan rajeynaya inay taasi ku dayato.”
Gudoomiyaha ayaa waxa uu qiray in Shabaabku ay culeys soo saareen deegaanada Hirshabelle, sababtu tahay iyagoo og in halkaas ay xabad kaga socoto.
“Istiraatiijiyadda dagaalka ayaa waxaa ka mid ah in meesha xabadda kaaga socoto aad cuddudaada isugu gayso, si halkaasi aad guusha uga hesho. Marka taas uun bay hadda isticmaalayaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray in Al Shabaab ay maleeshiyadeeda isaga kala keentay meelihii ay horey ugu sugnaayeen.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa shacabka ku dhaqan deegaanadaasi ugu baaqay inay culeys saaraan maleeshiyada Xisbada ay Al Shabaab uga soo tagtay deegaanadaasi. Xisbada ayaa ah ciidan sida booliska oo kale u tababaran oo amniga suga.
“Meelaha cidlada ah ee ay nimanku ka soo taggeen ee shan shanta askari ee Xisbada la yiraahdo ay ku soo reebeen inay ku weeraraan, kana qabsadaan.” Ayuu yiri Muuse Salaad Wehliye, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Gudoomiye Wehliye ayaa qaba in culeyska uu ka yaraan lahaa deegaanada Hirshabelle, haddii Dowlad Goboleedyada ka maqan saaxada dagaalka ay furimo kale ku furi lahaayeen Shabaabka, taasna ay keeni lahayd in si dhakhsa ah dalka looga ciribtiro maleeshiyadaasi.
Gobolka Hiiraan ee Hirshabelle ayaa waxaa ka socdo abaabul xoog leh oo ciidan, kaas oo garab socda abaabulka kale ee ciidan ee ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Axaddii gaaray Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, waxaana horey ugu sii sugnaa Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Saraakiishan iyo kuwa kale ee ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka wada shaqeynaya, sidii guluf mideysan loogu qaadi lahaa meelaha ay Shabaabku ka haystaan goboladaasi.
Qorshaha ayaa u muuqdo in ciidamadu ay marka hore weerari doonaan deegaanadii ay Shabaabku dhawaan ka qabsadeen bariga Hirshabelle, ka hor inta aysan ciidamadu u qalab qaadan galbeedka maamulkaasi oo Al Shabaab ay wax ka badan toban sano ka arrimineysay.