Shirka Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka aragtida duwan Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka furmay Hotel Jazeera, waxaana looga hadlayaa xaaladda guud ee dalka, oo ay ugu horreyan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG. Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaana ah qodobka doorashooyinka, oo ah mid ay isku hayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Dowladda Federaalka.
Xubnaha Mucaaradka Somaliya ee isugu yimid magaalada ayaa damacsan in ay shirkan ku mideeyaan mowqifkooda ku aaddan, sida ay u diidan yihiin qaabka uu Madaxweyne Xasan Sheekh u maamulayo doorashada soo socota.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa doonaya in doorashada sanadka 2026 ay noqoto mid loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah, iyagoo aan ku qanacsaneyn dhabaha hadda loo marayo diyaarinta doorashada.
Mucaaradka ayaa horey uga horyimid qorshaha qaran ee ay Villa Somalia tobanaan sano ka dib ay doorashada ugu celineyso shacabka, si ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.
Mucaaradka ayaa ku celceliyay inaysan suurtagal ahayn in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, marka aad eegto duruufaha amniga iyo midka siyaasiga ah ee dalka ka jira, waxayna kol hore ay soo jeediyeen in lagu laabto doorashadii dadbaneyd ee wax lagu soo dooranayay, tan iyo dib u yegleeliddii Dowladnimada Somaliya.
Shirkan ayaan la sheegin muddada uu socon doono, waxaase geba-gabadiisa laga soo saari doonnaa warmurtiyeed ku saabsan hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka.
Shirkan ayaa waxaa muuqata in mucaaradku ay dowladda kaga dalbanayaan in laga wada hadlo, sidii loo heli lahaa doorasho aan dib u dhac u horseedin dalka iyo dadka.
Mucaaradka ayaa muddooyinkanba Madaxweyne Xasan Sheekh uga digayay in dalka laga qabto doorasho aan loo dhameen.
Dowladda Federaalka ayaa dhowrkii cisho ee u dambeysay isha ku haysay kulamadii ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ka wadeen magaalada, iyadoona si dhow ula socota shirka maanta uga furmay Muqdisho.
Shirka ayaa ah mid miisaan siyaasadeed leh, kaas oo caqabad ku noqon kara qorshaha ay dowladdu dalka ugu jiheynayso doorasho dadweyne.
Villa Somalia ayuu sidoo kale uu culeys ka haystaa Beesha Caalamka, oo iyadu ku cadaadineysa in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya madax hore oo u badan Raysal Wasaareyaal iyo Gudoomiyeyaal Baarlamaan. Waxa kaloo ka qaybgelaya xubno ka mid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, siyaasiyiin kale iyo weliba ururada bulshada rayidka qaybtood.