Home Wararka Maanta Wasiir Karoore oo sheegay in Shabaabkii soo weeraray Hirshabelle ay hadda go’doon yihiin

Wasiir Karoore oo sheegay in Shabaabkii soo weeraray Hirshabelle ay hadda go’doon yihiin

by Laacib

Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa sheegtay in maleeshiyadii Al Shabaab ee horaantii sanadkan isku soo fidiyay bariga deegaanada maamulkaasi ay hadda wajayaan xaalad ciriiri ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay xuduudda labada gobol ka wadaan hawlgal ay kaga sifeynayaan maleeshiyadaasi.

Wasiirka ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay si gaar ah ugu daadsan yihiin deegaanada xuduudda, isla-markaana ay ka hortaggeen is ballaarintii Al Shabaab.

“Tuulo iyo geed kastaba Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa ku sugan.” Ayuu yiri Wasiirka oo carabka ku adkeeyay in Shabaabku ay ku guuldareysteen qorshihii ay bilowgii dagaalka ugu soo rareen bariga deegaanada Hirshabelle.

Wasiir Karoore ayaa intaasi ku daray in ay marxalad go’doon ah ku jiraan Shabaabkii billo ka hor isku soo fidiyay deegaanada bariga ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wasiirka ayaa tilmaamay in qorshaha Shabaabka uu qayb ka ahaa in kuwoodii soo galay bariga gobolkaasi ay uga sii gudbaan dhinaca Hiiraan, laakiin ay ku fashilmeen, sida uu yiri.

“Marka Shabaabka qorshihii ay sameeyeen ayaa fashilmay, wax hadda u sameysan oo u laabana ma jiraan. Inta ka soo gudubtay, sidii ay u laaban lahaayeen iyo meeshii ay mari lahaayeen ayay ka fekerayaan.” Ayuu yiri Wasiir Karoore.

Karoore ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ku ammaanay in ay Shabaabka u diideen in deegaano hor leh ka qabsadaan bariga Hirshabelle.

Karoore ayaa xusay in haatan uu diyaargarow weyn ka socdo Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, oo sida uu sheegay la doonayo in ciidamadu ay dib ugu la wareegaan deegaanadii ay Shabaabku qabsadeen billihii February, March iyo April.

Shabaabka ayaa bishii February 20-keedii bilaabay inay soo kubaareeyaan deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoo ka soo gudbaya galbeedka gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka oo ku qulqulaya Hirshabelle ayaa abaabulaya, sidii guluf mideysan ay ciidamadu ugu qaadi lahaayeen deegaanada ay Shabaabku ka haystaan goboladaasi.

Shabaabka ayaa muddo dheer ka arriminayay daanta galbeed ee Hirshabelle, iyadoo weerarkii dhawaan ay ku soo qaadeena deegaanada bariga ay ku fashiliyeen wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc