Home Wararka Maanta Ciidamada oo mar kale weerar ku haya Shabaabka ku sugan deegaanka Aboorey

Ciidamada oo mar kale weerar ku haya Shabaabka ku sugan deegaanka Aboorey

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa wada guluf ay doonayaan in ay kula wareegaan gacan ku haynta deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.

Shabaabka ayaa 6-dii bishii April la wareegay deegaankan oo 30km jihada waqooyi uga beegan Magaalada Buuloburde, ka dib marki ay ka soo gudbeen dhinaca deegaanka Jicibow oo Webiga Shabelle uu maro.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa Khamiistii ku dhaqaaqay deegaankaasi, inkastoo uu duleedkeeda ku qabsaday dagaal culus, iyadoona aysan u suurtagelin in ay gudaha u galaan.

Saraakiisha Militariga iyo Hoggaanka Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa sheegay in Shabaabku ay miinooyin geliyeen waddooyinka soo gala deegaankaasi, taasina ay adkeysay in ay si dhakhsa ah ku gaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay maanta hawlgal ka wadaan duleedka deegaankan, isla-markaana uu ujeedkoodu yahay in ay foodda geliyaan deegaankaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye ayaa mar sii horreysay sheegay in ay kooxaha argagixisada ka saarayaan Aboorey.

Ciidamada Militariga iyo Macawiisleyda ayaa 8-dii bishii April weerar culus ku qaaday Shabaabka Aboorey, waana laba cisho uun ka dib, markii Shabaabku ay qabsadeen deegaankaasi. Ciidamada ayaase 16-kii bishaasi dib uga soo gurtay deegaankaasi, xilli ay Shabaabka isugu geeyeen xaafad qura oo meel ay uga baxaana aysan jirin.

Lama oga cidda bixisay amarka ay ciidamadu uga soo baxeen deegaankaasi, laakiin taasi ayaa Shabaabka u sahashay in ay ka soo baxaan godadkii ay ku go’doonsanaayeen, waxayna isla maalintaasi uga sii gudbeen oo qabsadeen deegaanka Yasooman oo deris la ah Aboorey.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa daba-yaaqadii bishii April soo degay waddada u dhaxeyso deegaanadaasi, waxayna kala jareen dhaqdhaqaaqii Al Shabaab ee Yasooman iyo Aboorey.

Xoogagan ayaa tan iyo xilligaasi go’doomin ku hayay Shabaabka Yasooman, maadaama waddada Aboorey ay tahay meesha qura ee saadka, sahayda iyo gurmadka uga imaan karay maleeshiyada ku sugan Yasooman.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc