Home Dhacdooyin Laba Xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka oo lagu doortay Jowhar

Laba Xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka oo lagu doortay Jowhar

by Laacib

Waxaa maanta Magaalada Jowhar lagu doortay laba xubnood oo buuxinaya kuraastii Golaha Shacabka ay ka geeriyoodeen Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale (Sey-Sey).

Kursiga HOP-097 oo ay ka geeriyootay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa waxaa ku guuleystay nin la dhashay oo lagu magacaabo Cabdikariin Maxamed Diiriye oo helay 78 cod.

Kursiga kale ee tirsigiisu yahay HOP-098 ayaa waxaa ku guuleystay wiil uu dhalay Xildhibaan Sey-Sey oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed oo helay 90 cod.

Doorashadan oo ka dhacday Xarunta Baarlamaanka Hirshabelle ayaa lagu doortay xubnaha buuxinaya kuraastii ka bannaaneyd Baarlamaanka 11aad ee Somaliya ee ay deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Doorashadan ayaa ahayd mid ay wax dooranayeen ergo la soo xulay oo metelayay beesha iska leh kuraastaasi, waxaana la sheegay in labada kursiba ay soo xaadirtay 101 ergo, iyadoo labada nin ee la doortayna ay isku beel yihiin.

Goobta ay doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa Xildhibaano iyo xubno uu ka mid yahay Nabadoon Axmed Maxamuud Cosoble, oo ah nabadoonka beesha leh kuraastaasi.

Cabdi Caddow Maxamed oo ka socday Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta.

Cabdi Caddow ayaa wuxuu ka mid yahay 18-ka xubnood Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Xuduudaha ee la dhaariyay 2-dii bishii December ee sanadkii 2024.

Cabdi Caddow ayaa xubnaha la doortay guddoonsiiyay shahaadada Xildhibaanimada.

Xubnahan ayaa Jimcihii qaatay shahaadada musharaxnimada, halka maantana ay qaateen shahaadada Xildhibaanimo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc