Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay shaqaaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Boorama

Wararkii ugu dambeeyay shaqaaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Boorama

by Laacib

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay, saddex kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib shaqaaqo maanta ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boorama.

Shaqaaqadan ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay isku dhaceen ilaalada xabsiga iyo maxaabiistii ku xirneyd.

Wararka ayaa sheegaya in maxaabiistu ay gadooday, ka dibna ay gacmaha ula tageen ilaalada xabsigaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaas laga maqlay gudaha xabsiga, taasoo markii dambe lagu sheegay inay ciidamadu u adeegsanayeen, si ay maxaabiista u xakameeyaan.

Dhaawacyada ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Boorama, oo haatan xaaladdooda lagu la tacaalayo.

Afaafka hore ee isbitaalkaasi ayaa waxaa soo dhoobtay ehelada dadkii ku waxyeeloobay shaqaaqadaasi iyo weliba bulshada ku dhaqan magaalada.

Ciidamada Militariga ayaa la wareegay amniga isbitaalka, waxayna xireen albaabka weyn ee laga galo isbitaalkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal, Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada xarunta u ah ee Boorama ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in rabshad ay ka dhacday xabsiga, isla-markaana ay sameeyeen sida uu sheegay maxaabiistii ku xirneyd, oo ay isku dhaceen ciidamadii ilaalada xabsiga.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in shaqadaaasi uu ku dhintay marxuum lagu magacaabayay Yoonis Axmed Daahir, ayna ku dhaawacmeen Xamse Mustafe Cumar, Cabdiqaadir Aadan iyo Xasan Xuseen Qalinle, kuwaas oo ka mid ah maxaabiistii ku xirneyd xabsiga.

Isagoo ku hadlayay afka xukuumadda ayaa wuxuu sheegay in la go’aamiyay in aaska iyo magta marxuumka ay dowladdu bixiso, sida ay isku afgarteen qoyska, ehelada iyo odayaasha marxuumka.

“Maxaabiistii dhaawaca ahaydna isbitaalka ayaa lagu dabiibayaa, iyagana wixii soo gaaray dowladdaa qabta.” Ayuu yiri Gudoomiye Xoday.

Suldaan Axmed Cilmi Kabaal oo ah Suldaanka marxuumka geeriyooday ayaa sheegay in uu ku geeriyooday si aan ku talagal ahayn, isagoo intaasi ku daray in is afgarad laga gaaray geerida marxuumka.

“Waxaan isla garanay in howshaas sidaa aan ku dhamaysano, howshuna iska maqaadiir bay ahayd, wax ku talagal ah ma ahayn. Maxaabiis kacdoon sameysay ayay ahayd, arrintaasna sidaas ayay ku dhamaatay.” Ayuu yiri Suldaan Kabaal oo xusay in Maamulka Gobolka Awdal iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland, General Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ay sidaasi kaga heshiiyeen arrinta marxuumka geeriyooday.

Allaha u naxariistee marxuum Yoonis Axmed Daahir ayaa lagu wadaa in Axadda lagu aaso qabuuraha ku yaala duleedka magaaladaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc