Ciidanka Xoogga Dalka ayaa cagta saaray waddada ka baxda deegaanka Mabaax ee tagta deegaanka Ceel Cali Axmed ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidamada ayaa maalintii labaad hawlgal ka wada inta u dhaxeyso Mabaax iyo Ceel Cali Axmed oo saaran xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ka dhaqaaqay Mabaax ay la hawlgalayaan kuwa kale ee 18-kii bishii May bilaabay in ay hujuumaan Degmada Aadan Yabaal.
Saraakiisha Militariga ayaa sheegaya in ciidamadu ay waddada Mabaax iyo Ceel Cali Axmed ka sifeynayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka laga helayo xuduudda goboladaasi ayaa sheegaya in hawlgalka ay qayb ka yihiin ciidan laga keenay Gobolka Galgaduud, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 27aad, Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Saalim Cumar Axmed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadan ay yihiin kuwa ku wajahan deegaanka Ceel Cali Axmed, oo bishii saddexaad ka maqan gacanta Ciidanka Xoogga Dalka.
Shabaabka ayaa 25-kii bishii February la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal, ka dib markii ay dib uga gurteen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda.
Shabaabka ayaa 20-kii February weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaankaai, inkastoo xilligaasi ay ku hungoobeen inay qabsadaan.
Deegaankan ayaa ah mid istiraatiiji ah, marka aad eegto in uu ku dhow yahay xuduudda saddex xagalka ee kala qaybisa Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Shabaabka billihii u dambeeyay culeyska soo saaray deegaanadii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi.