Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir isugu yeeray Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Hoggaamiyeyaaha Bulshada Rayidka.
Madaxweynaha ayaa waxa uu iclaamiyay in 15-ka bishan uu shirka ka furmi doono Magaalada Muqdisho.
“Iyada oo la tixgelinayo muhiimadda ay leedahay wadatashiyo dhab ah oo ku dhisan xeerinta danta guud, Madaxweynuhu wuxuu sii wadi doonnaa kulamo loogu gogol xaarayo shirkaas, isla-markaana diiradda lagu saarayo arrimaha hortebinta u leh dowlad-dhiska dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin amniga iyo ciribtirka argagixisada, dimoqraadiyaynta iyo doorashooyinka, dhameystirka dastuurka, midnimada iyo dhab u heshiisiinta.” Ayaa lagu yiri war ka oo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Siyaasiyiinta iyo xubnaha kale ee la soo martiqaaday ayaa loogu baaqay in ay u diyaargaroobaan shirkan oo muhiim u ah dowladnimada dalka.
“Haddaba waxaa laga codsanayaa siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada inay u diyaargaroobaan, kaalin mug lehna ka gaystaan shirkaas muhiimka u ah dowladnimadeenna, ayna soo ajiibaan casuumaadda rasmiga ah ee Madaxweynaha.” Ayaa lagu sheegay warka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay xilliga la qabanayo gogoshan, ka dib dhowr cisho oo Siyaasiyiinta Mucaaradka uu shir uga socday Caasimadda Muqdisho.
Mucaaradka ku shiray Muqdisho ayaa si adag uga horyimid qaabka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashada lagu wado in sanadka dambe laga qabto dalka.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa doonaya in doorashada sanadka 2026 ay noqoto mid loo dhan yahay oo xor iyo xalaal ah, waxayna marar badan ay walaac ka muujiyeen qaabka ay dowladdu u diyaarineyso doorashadaasi.
Cadaadiska siyaasiyiintan iyo culeys Villa Somalia ka haystay Beesha Caalamka oo biirsaday ayaa la aaminsan yahay in ay soo dedejisay in ugu dambayn uu Madaxweynuhu go’aansado in la qabto shirkan, oo in muddo ahba uu ka caga-jiidayay.
Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya ayaa dowladda iyo mucaaradkaba ku riixaya in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu mowqifkiisu ahaa in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, iyadoo aan wax laga weydiineyn mucaaradka ka aragtida duwan dowladdiisa, taas oo ay caddahay inaysan dalkan ka shaqeyn karin.