Home Dhacdooyin Israeliyiinta oo mar kale ku xarooday godadka, ka dib weerar Hypersonic ah

Israeliyiinta oo mar kale ku xarooday godadka, ka dib weerar Hypersonic ah

by Laacib

Mallaayiin qof oo ku nool bartamaha Israel ayaa ku khasbanaaday inay cagaha wax ka dayaan, ka dib gantaal laga soo tuuray dalka Yemen.

Dhawaqa seeriga digniinaha ayaa maanta is qabsaday magaalooyin ay ka mid tahay magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, taasoo dadka loogu sheegayay in uu jiro weerar xagga cirka ah.

Bilowgiiba markii uu seerigu dhawaaqay ayay mallaayiin qof u carareen godadka amniga ee gantaalada laga galo. Shacabka ayaana mar dambe ka soo baxay godadkaasi, ka gadaal markii ay xaaladdu ku soo laabatay sideedii hore.

Seeriga ayaa ah nooc taxadar oo Israel ay ku yareynayso khasaaraha dadka rayidka ah, laakiin ay shacabkeedu dhibsadeen gantaalada ballaastikada ah ee sida maalinlaha ah uga soo dhacaya jihada dalka Yemen ee ku riixaya in ay lugta furtaan. Shacabka ayaa dowladdooda ku cadaadinaya in la soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee Gaza, si ay u nastaan, isla-markaana ay u shaqeystaan.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in gantaalku uu bartilmaameedkiisu ahaa Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Tel Aviv.

Militariga Israel ayaa sheegay in gantaaladooda hannaanka difaaca hawada ay ka hortaggeen gantaalkaasi, isla-markaana ay soo rideen.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in la hakiyay shaqadii Garoonka Ben Gurion, ka dib weerarka loo adeegsaday gantaalka Hypersonic-ga ee lagu soo qaaday dhulka Israel.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 17aad ee ay Xoogaga Xuutiyiinta ku weeraraan garoonkaasi, tan iyo bartamihii bishii hore ee May.

Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa horaantii bishaasi ku dhawaaqay in uu iyagu u xiran yahay Garoomada Diyaaradaha Israel, gaar ahaan Garoonka Ben Gurion, isagoona shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah uga digay in ay taggaan garoonkaasi.

Tani ayaa waxay keentay in shirkadaha duulimaadyada ee reer Yurub, Mareykanka iyo dalalka qaar ee Asia ay u hoggaansamaan amarka Xuutiyiinta, walow garoonkaasi ay weli ka sii shaqeynayaan diyaarado kale oo u badan kuwo ay dad Israeliyiin ahi leeyihiin.

Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, Mahdi Al Mashat ayaa dhawaan ku hanjabay in xagaagan uu noqon doono mid kulul, ka dib duqayntii ay Israel Arbacadii ka gaysatay Garoonka Diyaaradaha Sanca, isla-markaana ay ku burburisay diyaarad ay lahayd Shirkadda Yemen Airways.

Al Mashat ayaa shirkadaha duulimaadyada ee weli ka hawlgala Garoonka Ben Gurion uga digay inay halis ku jiraan daqiiqad kasta, ayna tahay inay ka fogaadaan garoonkaasi.

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi ayaa Khamiistii ku goodiyay in Ciidamada Yemen ay kordhin doonaan weeraradooda ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta reer Gaza.

Hoggaanka Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray inaysan joojin doonin weeraradooda ka dhanka ah Israel, illaa iyo inta uu socdo dagaalka Gaza, go’doomintana ay saaran tahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc