Home Dhacdooyin Koox Yahuud ah oo lagu weeraray dalka Mareykanka

Koox Yahuud ah oo lagu weeraray dalka Mareykanka

by Laacib

Dad Yahuud ah oo dhigayay bannaanbax lagu taageerayo in la sii daayo maxaabiista Israel ee lagu haysto Marinka Gaza ayaa Axaddii lagu weeraray Magaalada Boulder ee Gobolka Colorado, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Mareykanka.

Saraakiisha ayaa sheegay in nin ku qaylinayay ‘Falastiin ha xorowdo’ uu weeraray dadkaasi, xilli ay socod ku marayeen waddada suuqa laga dukaameysto ee Pearl ee magaaladaassi.

Ninkan ayaa dibadbaxayaasha ku weeraray walax ku qaraxday, oo sida la sheegayna ay ku dhaawacmeen illaa lix qof.

Booliska ayaa sheegay in dadkaasi oo da’doodu ay u dhaxeyso 67 illaa 88 jir ay gubteen, mid ka mid ahna ay xaaladdiisu liidato.

Hay’adda Dembi Baarista Mareykanka ee FBI ayaa sheegtay in weerarka looga shakisan yahay in uu yahay fal argagixiso, waxayna sheegtay in tuhmanaha uu weerarku u adeegsaday walax olosha.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in ciidamada amniga oo si dhakhsa ah goobta ku soo gaaray ay xireen ninkii weerarka gaystay, kaas oo ay sheegeen in uu shaar la’aan ahaa.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ninkaasi uu labada gacmood ku watay dhallooyin ay ku jiraan dareeraha wax holciya ee marka la tuurana qarxa.

FBI-da Colorado oo mar dambe war soo saartay ayaa sheegtay in eedeysanuhu uu yahay nin 45 jir ah oo lagu magacaabo Mohamed Sabry Soliman.

Safiirka Israel ee Qaramada Midoobey, Danny Danon ayaa weerarka ku tilmaamay mid argagixiso, isagoona codsaday in Dowladda Mareykanka ay qaaddo tallaabo wax ku ool ah oo lagaga jawaabayo weerarkaasi.

Safiirka ayaa qoraal ku sheegay in si arxan darro ah loo weeraray dibadbaxayaasha Yahuudda, sida uu yiri.

“Argagixisada ka dhanka ah Yahuudda kuma eka xadka Gaza. Waxaa durba gubanaya waddooyinka Mareykanka.” Ayuu yiri Safiirku.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar ayaa isna sheegay in uu ka naxay weerarkan, waxaana uu ku sheegay naceyb cad oo ka dhan ah Yahuudda.

Dibadbaxayaasha la weeraray ayaa ahaa koox Yahuud ah oo lagu magacaabo Run for Their Lives, oo toddobaad walba qabta bannaanbax ay ku dalbanayaan in la sii daayo maxaabiista ka xiran Israel.

Waa weerarkii labaad oo hadal hayn badan dhaliyay, kana dhaca dalkaasi Mareykanka, wax ka yar muddo laba toddobaad ah. 

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc