Home Dhacdooyin Qabsashada Al Shabaab ee Xawaadley oo jug kale ku ah Hirshabelle

Qabsashada Al Shabaab ee Xawaadley oo jug kale ku ah Hirshabelle

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa galabta la wareegtay gacan ku haynta deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Militariga Burundi ee qaybta ka ah ATMIS iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay sanado ka dib isaga guureen deegaankan muhiimka ah ee Xawaadley.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamadu ay aadeen dhinaca deegaanka Garsaale, kaas oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

Shabaabka oo aad mooddo in ay si dhow ula socdeen in Militariga Burundi ay ka bixi doonaan deegaankaasi ayaa si dhakhsa ah ula wareegay Xawaadley.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada Shabaabka oo dheg la qabto aan lahayn ay si degdeg ah ula wareegeen deegaankaasi.

Ma cadda baahida keentay in ciidamadu ay isaga soo baxaan deegaankaasi, waxaye imaaneysaa, xilli Burundi aysan qayb ka ahayn dalalka Midowga Afrika ee la ogolaaday inay ciidamo ku yaboohaan hawlgalka cusub ee AUSSOM oo bedelaya ATMIS.

Militariga Burundi ayaa qayb ka ahaa labadii hawlgal ee ka horreyay AUSSOM ee kala ahaa AMISOM iyo ATMIS.

Waqtiga ATMIS ayaa dhammaaday bishii December, inkastoo Hawlgalka ATMIS uu si ku-meel-gaar ah uu Dowladda Federaalka uga la sii shaqeynayay howlaha sugidda amniga, illaa iyo inta laga gaarayo bishan June oo dalalka xubnaha ka ah hawlgalka cusub ee AUSSOM ay soo dhameystirayaan ciidamadooda ka midka noqonaya hawlgalka cusub ee AUSSOM.

Tallaabada ay Al Shabaab kula wareegtay deegaanka Xawaadley ayaa jug kale ku ah Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Hirshabelle ayaa muddooyinkan la kacaa-kufeysay, sidii Shabaabka dib looga riixi lahaa deegaanadii ay billihii u dambeeyay ka qabsadeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qabsashada Shabaabka ee Xawaadley ayaa dib u dhac kale ku ah diyaargarowgii ka jiray gobolkaasi ee la doonayay in ciidamadu ay dib ugu la wareegaan deegaanadii laga qabsaday billihii February, March iyo April.

Warbixinada ayaa muujinaya in Shabaabku ay si fudud kula wareegaan deegaanada, marka aad eegto waqtiga dheer ay ciidamadu ku qaadato in dhul ay ka kiciyaan Al Shabaab amaba ay dib uga saaraan goobaha qaar ee laga qabsado.

Lama oga muddada ay ciidamadu ku qaadan doonto, si ay dib ugu la wareegaan Xawaadley oo hoostagta Degmada Balcad.

Xawaadley ayaa ku taala goob istiraatiiji ah, iyadoo buundadeeda ay gobolkaasi ku xiriiriso Gobolada Koonfureed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc