Diyaaraddan ayaa casir liqii maanta ku burburtay tuulada Maqdis oo hoostagta deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in tuulada ay diyaaraddu ku dhacday ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.
Al Shabaab ayaa waxay sheegtay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa helicopter ay soo rideen maleeshiyadeeda, ka dib markii ay ku beegsadeen hawada deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad, waxayna kaloo sheegtay in diyaaraddu ay ahayd mid uu leeyahay Ururka Midowga Afrika.
Shabaabka ayaa war ay soo saareen ku sheegay in diyaaradda oo ka diiwaan-gashaneyd dalka Uganda ay wadday hawlgal ka dhanka ah dadka rayidka, ka hor inta aan la soo ridin.
“Mujaahidiinta oo adeegsanaya hub ku munaasab ah ayaa diyaaradda helicopter-ka ah ku beegsaday hawada deegaanka Xawaadley.” Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray “Waxaana burburkeeda gacanta ku dhigay Ciidanka Mujaahidiinta.”
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ay isku soo beegmeen soo dhicista diyaaradda iyo la wareegitaanka Shabaabka ee deegaankaasi Xawaadley.
Qabsashada Al Shabaab ee Xawaadley ayaa ka dambeysay, ka gadaal markii Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Militariga Somaliya ay isaga baxeen deegaankaasi.
Ma cadda inta qof ee saarneyd diyaaraddaasi iyo haddii ay dhammaantood ku dhinteen dhacdadaasi iyo haddii kaleba.
La wareegitaanka Al Shabaab ee Xawaadley ayaa ah dhibaato kale oo soo korortay, iyadoo shaqo badan ay sugeyso Dowladda Federaalka, si ay ciidamadeeda dib ugu la wareegaan deegaankaasi.
Xawaadley ayaa ku taala meel istiraatiiji ah, marka aad eegto in buundadeeda ay gobolkaasi ku xiriiriso Gobolada Koonfureed ee dalka.