Geyiga Soomaalida iyo dunida Muslimka ayaa maanta laga ciidayaa maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, oo ah Ciidda Labaad ee Islaamka uu leeyahay.
Magaalooyinka waaweyn ee Soomaalida ayaa saaka laga tukaday Salaadda Ciidda, iyadoona dadku ay salaaddu ku oogeen masaajidda iyo fagaareyaasha loo asteeyay.
Dalalka Carabta iyo dunida kale ee Muslimka ayaa sidoo kale Jimcahan laga ciidayaa Ciidul Adxaa, oo sidoo kalena ay dadka u garanayaan (Ciidda Carafo).
Wadamada kale ee caalamka ee ay Muslimiinta ku nool yihiin ayaa xitaa ka mid ah meelaha maanta laga ciidayo.
Ciiddan oo Soomaalida u taqaano (Ciid Weyney) ayaa waxay geba-gabo u tahay gudashada acmaasha Xajka iyo taagnida Xujeyda ee Banka Carafo. Xajka ayaa ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waxaana uu ku waajibaa qof kasta oo caafimaad qaba, isla-markaana awooda.
Ciidaha Fidriga iyo Adxaa ayaa xuskooda iyo weynayntooduba laga dareemaa caalamka, waana ciidaha ay Muslimiinta isugu hambalyeeyaan farxadda maalmaha ciidahaasi.
Somaliya ayaa waxay ka mid tahay dunida Muslimka amaba dalalka iskaashiga Islaamka ee sida weyn looga dareemo munaasabadaha ay dadku ugu dabaal-deggaan labada ciidood ee Islaamka.
Ciiddan Carafo ayaa waxay sanadkii labaad oo xiriir ah ku soo aadeysaa, xilli Falastiiniyiinta reer Gaza ay wajahayaan weerarada aan kala sooca lahayn ee Ciidamada Israel.
Duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa illaa iyo hadda inta la ogyahay, waxaa ku naf waayay 54,677 qof, halka 125,530 kalena ay ku dhaawacmeen, tan iyo markii uu dagaalku bilowday bishii October ee sanadkii 2023, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Ummadda Muslimiinta, meel kastoo ay dunida ka joogto ayaa waxaa walaac ku haya dembiyada dagaal ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, tiiyoo haddana aysan jirin cid si muuqata wax uga qabaneysa.