Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa ballanqaaday in abaalmarin dhan soddon kun oo dollar ($30,000) ay siin doonaan ciddii keenta xog horseedeysa in la soo qabto xubnaha maleeshiyada Al Shabaab.
Korneyl Mahdi Cumar Muumin ayaa marka hore bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay ku fara-adeygaan amnigooda, isla-markaana ay iska qabtaan kuwa yar ee doonaya in ay ammaankooda carqaladeeyaan.
“Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed waxaan u ballanqaadaynaa inaan amniga halka uu yahay ka laba jibaari doono oo ka adkayn doono, waxaana leenahay shacabka ku kalsoonaada hay’adihiina ammaanka, maamulkiina cusub ee Gobolka Banaadir iyo hay’adaha heer gobol iyo heer federaal, intaba.” Ayuu yiri Taliyaha. Taliyaha oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa dadka reer Muqdisho ku booriyay in ay laamaha amniga kala shaqeeyaan nabadgelyada magaalada, isagoona si gaar ah codsi ugu jeediyay dadka ku nool degmooyinka ku yaala darafyada Gobolka Banaadir.
“Waxaan mar kale idiin leenahay naga la shaqeeya ammaanka shacabka caasimadda joogo, waxaana codsi gooni ah u dirayaa shacabka degan degmooyinka daafaha, oo waayahaan aad arkayseen in laga tuuraayay hoobiyaha.” Ayuu yiri Taliyaha oo ballanqaaday in ay abaalmarin lacageed heli doonto cid kasta oo soo gudbisa xogta kooxahaasi.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir oo sii hadlayay ayaa sheegay in qof kasta oo laamaha amniga la soo wadaaga xog suurtagelinaysa in la soo qabto xubnaha xilliyada dambe ee habeenkii hoobiyaha ka dhex tuuraya magaalada ay siin doonaan abaalmarin uu ku farxo, isla-markaana ay amnigiisa damaanad qaadayaan.
“Qofkii keena macluumaad iyo xog ku saabsan nimanka habeenkii sagaalka saac iyo sideedda saac hoobiyaha tuura in la soo qabto ama fududeysa, waxaan siinaynaa abaalmarin farxad gelisa, amnigiisana waan damaanad qaadaynaa, soddon kun oo dollarna waan siinaynaa qofkii ka shaqeeya xogta cadowgaas ummadda Soomaaliyeed dhibka ku haya ee sagaalka saac ee habeenimo socda.” Ayuu yiri Korneyl Mahdi Cumar Muumin.
Korneyl Mahdi ayaa shacabka ugu yeeray inaysan socon waqtiyada dambe ee habeenkii, maadaama waqtiyadaas sida uu sheegay ay cadowga wax soo tuuraan.
“Hay’adaha ammaanka way ka feejignaan doonaan, degmooyinkaas daafaha ahna ee hoobiyaha laga tuurana waqtiyaa ku bixin doonnaa, lacagtaas aan ballanqaadayna waan bixin doonnaa.” Ayuu yiri Korneyl Mahdi oo intaa raaciyay “Shacabkana waxaan leenahay soo sheega xogtiisa meeshaad ku aragtaan. Qofkii soo sheega ee fududeeya xog lagu soo qabto, abaalmarintaasaa la siinaa.”
Korneyl Mahdi oo wax laga weydiiyay in abaalmarintaasi ay ku kooban tahay shacabka iyo in ciidamadana la siinayo ayaa wuxuu yiri “Ciidanka iyo shacabkaba. Qofkii ciidan oo keenana waa la siinaa, qofkii shacab ah oo keenana waa la siinaa.”
Booliska ayaa ballanqaadkan sameeyay, xilli Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu xilka la wareegay habeenkii Arbacada.