Medhat Abbas, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa ka digay in mar dhow ay dhimasho baahsan ka dhici doonto Marinka Gaza, haddii aan si degdeg ah waxba looga qaban masiibada baahsan ee ay Israel ka abuurtay guud ahaanba Marinka Gaza.
“Waxaan qarka u saaranahay inay dhacdo dhimasho baahsan. Waxaan aragnay xasuuq isir sifeyn qowmiyadeed ah.” Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Agaasimaha ayaa Israel ku eedeeyay in ciidamadeeda ay si ku talagal ah u leynayaan shacabka aan hubeysneyn, maadaama ay Tel Aviv rumeysan tahay inaysan jirin cid kula xisaabtami karta ficiladeeda guracan.
Waxa kaloo uu sheegay in Ciidamada Israel ay fulinayaan qorshaha istiraatiijiyadeed ee taliskooda, oo ah in la laayo dadka rayidka ah, si guryahooda loola wareego, ka dibna deegaameyn looga sameeyo dadka Yahuudda ah.
Waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada Israel ay burburiyeen inta badan xarumaha caafimaadka, isbitaalada yar ee haatan shaqeynayana laga cabsi qabo inay xirmaan, bacdamaa aanay haysan wax koronto ah iyo inay adag tahay in Gaza laga helo sahayda dawada.
Medhat Abbas ayaa Israel ku eedeeyay in ay si qoto dheer u burburineyso hannaanka caafimaadka, marka aad eegto in ay beegsaneyso goobaha caafimaadka, inay hortaagan tahay in la gaarsiiyo kaalmada bani’aadantinimo, sida dawooyinka iyo shidaalka iyo inay xitaa Israel dileyso shaqaalaha caafimaadka.
Tani ayuu sheegay in macnaheedu uu yahay in Israel ay diidan tahay in dadka ku dhaawacma weeraradeeda la daweeyo iyo in dadka kale ee bukaan socodka ah ay helaan daryeelka ay u baahan yihiin.
Mr. Abbas ayaa ku waramaya in xaaladaha isbiirsaday ee ka jira Marinka Gaza ay xoojinayaan masiibada bani’aadantinimo ee Gaza, taasna ay keeni doonto dhimasho baahsan.
Abbas ayaa ka digay in Israel aysan u jixin-jixeynin shacabka tabaaleysan, ujeedkeeduna uu keliya yahay inay boobto dhulka Falastiiniyiinta reer Gaza.
Abbas ayaa caalamka ka codsaday in si degdeg ah loo soo fara-geliyo ficilada naxariis darrada ah ee Israel, si looga hortago wejigii ugu dambeeyay ee dabar-goynta dadka reer Gaza.