Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Mohammed bin Salman ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay inay joojiso xasuuqa Israel ka waddo Marinka Gaza.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada ayaa xalay dib u xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay doorka Beesha Caalamka ee soo afjarida cawaaqib xumada duulaanka Israel ee Gaza.
“Dhibaatada haysata walaalaheenna Falastiin waa ay sii socotaa, taas oo ka dhalatay gardarrada Israel ee socota.” Ayuu yiri Mohammed bin Salman.
Mohammed bin Salman ayaa yiri “Waxaan dib u xaqiijinaynaa muhiimada ay leedahay doorka Beesha Caalamka ee soo afjardida cawaaqib xumada ka dhalaneysa gardarradan, waana inaan xaqiijino ilaalinta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, kana shaqayno xaqiiqo cusub oo Falastiiniyiintu ay ku helaan nabad, si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo go’aamada khuseeya.”
Mohammed bin Salman oo Magaalada Mina ee dalkaasi ka jeediyay khubdad uu ugu talagalay Ciidul Adxaa ayaa sheegay inaanan la aqbali karin xasuuqa Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, waxaana uu caalamka ugu yeeray in loo soo jeesto, sidii wax looga qaban lahaa dhiigga ay Israel daadineyso iyo sidii loo xaqiijin lahaa in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.
Sacuudiga iyo Faransiiska ayaa qaban-qaabinaya shir caalami ah oo bishan ka dhici doona Magaalada New York, kaas oo la sheegay in lagu soo nooleynaya fekerka ah in la helo xalka laba dal oo Israel iyo Falastiin ay leeyihiin, maadaama loo arko xalka keliya ee nabad loogu soo dabaali karo Gobolka Bariga Dhexe.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Faisal bin Farhan Al Saud ayaa bartamihii bishii hore ee May ku celiyay inaysan Riyadh aqoonsan doonin Israel, illaa iyo inta ay ka ogolaaneyso dhismaha dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin.
Sacuudiga ayaan ebid aqoonsan Dowladnimada Israel, tan iyo markii la aasaasay dowladdaasi, muddo haatan laga joogo 77 sano.
Sacuudiga ayaa ah dalka ay ku daba feelaan wadamada Islaamka, maadaama ay ku yaallaan goobaha ugu barakaysan ee Islaamka.