Home Wararka Maanta Macawiisleyda reer Hiiraan oo soo saaray baaq ku saabsan dagaalka Al Shabaab

Macawiisleyda reer Hiiraan oo soo saaray baaq ku saabsan dagaalka Al Shabaab

by Laacib

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa cod dheer ku codsaday in lagu garab siiyo dagaalka ay kula jiraan maleeshiyada Al Shabaab.

Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa la sheegaa in ay yihiin ciidanka keliya ee maanta dagaalka tooska ah kula jira maleeshiyadaasi, marka aad eegto in dagaal kale oo la taaban karo aanu ka socon dalka intiisa kale, oo ah dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

Shabaabka ayaa waxaa muuqato in cuddudooda ay isugu keeneen xuduudda Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyagoo doonaya in deegaanada hoostaga Degmada Aadan Yabaal ay ka soo galaan dhinaca bariga Gobolka Hiiraan.

Ciise Sanweyne oo ka mid ah Saraakiisha Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalkan lagu garab istaago dadka reer Hiiraan, haddii ay la dagaalamayaan cadow aan waxba dhaafeynin.

“Waxaan rabaa inaan maanta wax kala saaro. War Soomaaliyeey waxaan la dagaalamaynaa cadow umula doox ah, carruura dubato ah, masaajidada duminaya, dugsiyadana gubaya.” Ayuu yiri sarkaalkan.

Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Ilaahay baan idiinku dhaarinee ummadda Soomaaliyeedeey cadowgan Soomaaliyeed ee jiritaanka ummadda Soomaaliyeed duulaanka ku ah nala qabta oo waan haynaayee nala qabta. Naga qabta idin dhihi maynee ee nala qabta.”

Ciise Sanweyne ayaa beelaha Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug ugu baaqay inay weeraraan goobaha ay Shabaabku soo banneeyeen ee deegaanadooda ka midka ah, si ay culeyska uga yareeyaan cadaadiska ay soo saareen Gobolka Hiiraan.

“Shabaabku meelaha ay soo banneeyeen ama meelaha ay ka jilicsan yihiin oo ka mid ah deegaanadiina Ilaahay baan idiinku dhaariyee soo weerara, oo nimanka sida aan u xanuun-jinayno u soo xanuun-jiya.” Ayuu yiri Ciise Sanweyne.

Ciise Sanweyne ayaa Soomaalida intee kale ugu baaqay “Gees walbow aad joogtaan, Ilaahay baan idiinku dhaariyee cadow ayaa na hayee garab na soo siiya. Dadkii Gobolka Hiiraan ee ummadda Soomaaliyeed laf dhabarta iyo dhexdhexaadka u ahaa cadow baa ku soo duulay caalami ah. Cadow caalami ah aad ogtihiin ayaa ku soo duulay, gees walba ayuuna xabad ka ridayaa, mana moogidiin noo soo gurmada.”

Inkastoo sarkaalkan ka tirsan Hoggaanka Macawiisleyda uu ammaanay naf hurnimada ay sameynayaan Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan iyo taageerada Taliska Militariga uu la garab taagan yahay ayaa waxa uu haddana ugu baaqay Talisyada Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan iyo Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi inaanan la xaqirin kaalintooda la dagaalanka Al Shabaab iyo in shaqo ay qabteen aan loo tirinin cid kale.

“Dhacdooyinka caalamiga ah oo aan sahlaneyn qabashadooda oo Ilaahay nagu guuleeyay yaanan na lagu xaqirin oo yaanan nala dulminin.” Ayuu yiri Ciise Sanweyne.

Hadalkiisa ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Wasiirka Gaashaandhigga uu Jimcihii sheegay in duqayn xagga cirka ah lagu dilay laba ka mid ah horjoogeyaasha Al Shabaab oo lagu dilay xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, xilli ay Macawiisleyda jidka u galeen gaari ay la socdeen oo marayay deegaanka Garas-magan oo saaran xuduudda goboladaasi.

Xoogaga Macawiisleyda oo daba joogay maleeshiyadii Shabaabka ee Arbacadii soo weeraray deegaanka Ceel-hareeri ayaa Khamiistii dab saaray gaarigaasi oo noociisu uu Cabdi Bile ahaa, waxaana halkaasi lagu dilay horjoogeyaal lagu magacaabi jiray Abuu Anas iyo Maxamed Axmed Xerow.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in horjoogeyaashaasi iyo kuwo kaleba lagu dilay duqayn ay iska kaashadeen Hay’adda NISA, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc