Dowladda Turkiga ayaa Israel ku tilmaamtay inay tahay ‘dal argagixiso”, ka gadaal markii ciidamadeeda ay Isniintan weerareen doonida Madleen iyo shaqaalihii la socday ee kaalmada bani’aadantinimo u waday Falastiiniyiinta reer Gaza.
Ciidamada Israel ayaa doonida ku weeraray biyaha caalamiga ah, waana ka hor inta aysan soo gaarin xeebaha Gaza, iyagoona doonida iyo dadkii la socdayba ula dhaqaaqay Dekedda Ashdod.
Laba ka mid ah 12-ka xubnood ee doonida saarnaa ayaa ah muwaadiniin reer Turki ah, waxaana laga hor istaagay inay gaaraan dhulka go’doonsan ee Falastiin.
Turkiga ayaa dhacdada ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah iyo inuu caddeeyay in Israel ay tahay dowlad argagixiso.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa Israel ku dhalleeceysay inay khatar ku tahay amniga badaha iyo xorriyadda socdaalka.
“Weerarkan foosha xun ee Xukuumadda Netanyahu ayaa sidoo kale khatar ku ah xorriyadda socdaalka iyo amniga badaha.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga. Warka ayaa intaasi ku daray “Weerarku wuxuu caddeeyay in Israel ay tahay dowlad argagixiso.”
Saraakiisha Turkiga ayaa laga soo xigtay in Safaaradda Turkiga ee Tel Aviv ay qaadday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si loo hubiyo in muwaadiniinta Turkiga lagu sii daayo, sida ugu dhakhsaha badan.
Muwaadiniinta Turkiga ee la socday doonida Madleen ayaa kala ah Yasemin Acar oo sidoo kale haysata dhalashada dalka Jarmalka iyo Suayb Ordu. Labaduba waxay ka mid yihiin kooxaha caalamiga ah ee u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda qaranimada Falastiin.
Dhacdadan ayaa dad badani soo xusuusisay weerarkii tooska ahaa ee ay Ciidamada Israel 31-kii bishii May ee sanadkii 2010 ku qaadeen markabkii Turkiga iyo shaqaalihii la socday ee gargaarka u waday Marinka Gaza.
Wariyeyaashii markabka la socday iyo Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Israel ay rasaas ku fureen markabkaasi, ka hor inta aysan markabka fuulin.
Markabka oo lagu magacaabayay Mavi Marmara ayaa lagu weeraray biyaha caalamiga ah, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi ku geeriyooday sagaal qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Mid ka mid ah dadkii dhacdadaasi ku dhaawacmay ayaana geeriyooday sanadkii 2014, ka dib dhowr sano oo koomo uu ku jiray.
Shaqaalaha markabka ayaa qorsheynayay in ay jebiyaan go’doominta Israel ee Gaza, waxaana uu weerarkaasi dhaawacay xiriirka Turkiga iyo Israel.
Markabka ayaa waxaa la socday dad u ololeeya xornimada Falastiin iyo in la soo afjaro go’doominta Israel ay muddada dheer ku hayso Marinka Gaza.
Israel ayaa Gaza ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood socday ee ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii, waxayna ciidamadeeda kala baxday sanadkii 2005, laakiin weligeed ma ogolaan in wax markab ahi uu tago xeebaha Gaza, iyadoo ku andacooneysa in taasi ay khatar ku tahay amnigeeda.
Weerarkan ayaa dhaliyay carro caalami ah, waxayna madax badan oo kuwa caalamka ah ay cambaareeyeen in la beegsado dad sida gargaar bani’aadantinimo.