Maamulka Israel ayaa maanta musaafuriyay qaar ka mid ah dadkii watay doonida Madleen ee gargaarka u waday Gaza, iyagoo jebinaya go’doominta ay Israel ku hayso Marinka Gaza.
Israel ayaa musaafurisay afar ka mid ah 12-kii xubnood ee la socday doonida ka soo shiraacatay Yurub ee doonayay in gargaarka ay ku jiraan raashiinka iyo caanaha carruurta geeyaan Gaza.
Haweeneyda reer Sweden ee Greta Thunberg iyo saddex xubnood oo kale ayaa la musaafuriyay, iyadoo inta kalena ay wararku sheegayaan in ay xiran yihiin.
Goor sii horreysay ayaa waxaa suuqa soo galay warar sheegaya in xubnaha la musaafuriyay ay aqbaleen in la musaafuriyo oo dalalkooda dib loogu celiyo.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay in haweeneyda reer Sweden ee u dhaqdhaqaaqda qaddiyadda qaranimada Falastiin ay ka duushay Magaalada Tel Aviv, iyadoo lagu celinayo dalkeeda, ayna sii mareyso dalka Faransiiska oo diyaaraddu ay ku hakaneysay.
Markii ay timid Garoonka Diyaaradaha Roissy-Charles de Gaulle ee Magaalada Paris, Greta Thunberg ayaa u sheegtay Wariyeyaasha in iyada iyo asxaabteeda lagu afduubay biyaha caalamiga ah, ka hor inta aysan soo gaarin xeebaha Marinka Gaza.
Xubnaha kale ee safarka ku wehlinayay Greta ayaa waxaa ka mid ah Wariyaha Telefishinka Al Jazeera ka tirsan ee lagu magacaabo Omar Faiad, kaasoo sheegay in muddadii ay xirnaayeen loo diiday xaqa ay u lahaayeen in ay cid uun la xiriiraan, xitaa qareeno.
“Waxaa na lagu khasbay inaan saxiixno dokumentiyo badan. Midkeenna ma garaneyn waxa ku jira dokumentiyadan. Qunsulka Faransiiska ayaa igu la taliyay in aan saxiixo warqad si aan u duuli karo, sidaas ayaana yeelay.” Ayuu yiri Omar Faiad oo Warbaahinta kula hadlay Paris.
Ciidamada Israel ayaa Isniintii meel ka baxsan biyaha dhulka go’doonsan ee Falastiin ku weeraray doonidaasi iyo shaqaalihii la socday, oo gargaar bani’aadantinimo u waday dadka reer Gaza ee gaajada la ildaran.
Ciidanka Badda Israel oo la wareegay doonidaasi ayaa dadkii saarnaa u soo kaxeeyay Dekedda Ashdod, waxaana Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir uu sheegay in dadkaasi ay u diyaariyeen xabsi dhulkiisa hoostiisa ku yaala si loogu ciqaabo, maadaama uu ku eedeeyay in ay ka horyimaadeen go’aanka ay Tel Aviv ku go’doomisay Marinka Gaza.
Masuuliyiinta Israel ayaa la aaminsan yahay in ay isku khilaafeen waxa laga yeelayo dadkaasi, maadaama kuwooda ka horyimid in dadkaasi la ciqaabo ay fahamsan yihiin cawaaqibka ka dhalan kara, haddii dadkaasi xukun xabsi ah lagu xukumo, waana xilli dunida ay diidan tahay ficilada Israel ee Gaza.
Inkastoo dadkan ay haystaan dhallashooyin kala duwan, haddana Faransiiska, Sweden iyo Spain ayaa Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku cadaadiyay in muwaadiniintooda dib loogu soo celiyo dalalkooda.