Dowladaha Ingiriiska, Norway, Canada, Australia iyo New Zealand ayaa cunaqabateyn dhaqaale iyo xayiraad dhanka safarka ah ku soo rogay laba ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.
Go’aankan ayaa si toos ah u saameynaya Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich, oo ah xubnaha ugu xagjirsan ee xukuumadda uu Netanyahu madaxda ka yahay.
Hoggaamiyeyaaasha reer galbeedka ayaa muddooyinkii u dambeysay Netanyahu ku cadaadinayay in dowladdiisu ay joojiso xasuuqeeda Gaza, in ay fasaxdo nooc kasta oo gargaar ah oo la gaarsiinayo dadka Gaza iyo in ay soo afjarto deegaameynta sharci darrada ah ee ay ka sameynayso Daanta Galbeed ee la haysto, waxaase si adag uga horyimid Wasiiradan oo Netanyahu ugu hanjabay in ay ridi doonaan dowladda uu hoggaamiyo, haddii ay aqbasho in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza. Wasiiradan ayaa axsaabta midigta fog ku metela dowladda wadaagga ah oo ku dhisan taageerada isbahaysiga midigta fog.
Ingiriiska, Canada, Australia, New Zealand iyo Norway ayaa si wadajir ah u qaaday tallaabada cunaqabateynta dhaqaale iyo xayiraadda socdaalka ee lagu sheegay in labadan nin ay mamnuuc ka yihiin in dalalkooda ay soo booqdaan.
London ayaa waxay sheegtay in Ben-Gvir iyo Smotrich ay ka masuul yihiin xasuuqa ka sii socdo Gaza iyo in ay u ololeynayaan deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Lammy ayaa sheegay in Wasiirada Maaliyadda iyo Amniga ee Israel ay hurinayaan rabshadaha ay gaysanayaan Israeliyiinta xagjirka ah ee la deegaameeyay iyo xadgudubyada kale ee halista ku ah xuquuqda aadanaha Falastiin.
“Iyadoo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ay la ildaran yihiin falalka xun xun ee ay gaysanayaan dadka xagjirka ah ee Israel ayay sidoo kalena wiiqayaan mustaqbalka Dowladda Falastiin. UK waxay ku biirtay Australia, Canada, New Zealand iyo Norway si ay u xoojiyaan jawaabta caalamiga ah.” Ayuu Wasiir Lammy ku sheegay warsaxaafadeed uu xalay soo saaray.
Wasiir Lammy ayaa sheegaya “Falalkan lama aqbali karo. Tani waa sababta aan hadda tallaabada u qaadnay, si aan ula xisaabtano kuwa masuulka ka ah.”
Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich ayaa labadaba laga mamnuucay inay soo galaan UK, waxaana la xayiray wax hanti ah, haddiiba ay u taalay Ingiriiska, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka uu ku dhawaaqay Wasiir Lammy.
London ayaa 20-kii bishii hore ee May ku dhawaaqday inay joojisay wada hadaladii ganacsiga xorta ahaa ee ay kula jirtay Israel, iyadoo laga jawaabayo falalka foosha xun ay ka gaysaneyso Gaza. London ayaa sidoo kale xilligaasi cunaqabateyn ku soo rogtay shakhsiyaad iyo ururo ku lug leh deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta looga sameynayo Daanta Galbeed.
Lammy ayaa xilligaasi ku hanjabay in Dowladda Ingiriiska ay qaadi doonto tallaabooyin kale, haddii aan la soo afjarin dagaalka Gaza, deegaameynta Daanta Galbeed, lana qaadin xayiraadda kaalmada bani’aadantimo ee Gaza.
Dalal kale oo reer Yurub ah ayaa waxaa suurtagal ah in ay qaadaan tallaabooyin kale, si loo xoojiyo jawaabta caalamiga ah ee lagu diidan yahay ficilada Israel.
Labadan Wasiir ayaa muddo dheer qoorta uga taagnaa Netanyahu, iyagoo mar kasta ku riixayay in uu carqaladeeyo heshiis kasta oo lala gaari karo Xamaas, si uu dowladdiisa burbur uga badbaadiyo.
Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich oo ah hoggaamiyaha xisbiga xagjirka ah ee National Union–Tkuma ayaa lagu tilmaamaa Wasiirka koowaad ee Netanyahu uu ka waabto, bacdamaa xisbiga uu hoggaamiyo uu yahay kan ay dowladdiisu taageerada ugu badan ka haysato. Xisbiga National Union–Tkuma oo keliya oo ka baxa dowladda ayaa ku filan in dalka laga qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana waxa uu Netanyahu ka cararayo.
Smotrich iyo Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir ayaa si dhiiranaan leh qalabka Warbaahinta uga sheega in Falastiiniyiinta reer Gaza aysan xaq u lahayn inay noolaadaan amaba ay sii joogaan Marinka Gaza, isla-markaana ay tahay in Falastiiniyiinta kalena laga raro Daanta Galbeed iyo in loo sharciyeeyo dadka Yahuudda.
Weeraha ay ku taageerayaan xasuuqa dadka Gaza iyo ballaarinta deegaameynta Israeliyiinta ee Daanta Galbeed ayaa carro xoog leh ka dhalisay dunida, waxayna xoojisay baraarugga dadka reer galbeedka oo hoggaamiyeyaashooda khasab kaga dhigaya in la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo ka dhan ah nidaamka ka arrimiya Israel.
Inkastoo Netanyahu uu muddo fog soo maamulayay Israel, haddana dowladda uu haatan hoggaamiyo ayaa lagu sheegaa tii ugu xagjirsaneyd ee soo marta taariikhda Israel.
Xukuumadda Netanyahu ayaa la filayaa in ay si adag uga hor iman doonto amaba u diidi doonto go’aanka dowladahaasi ee ka dhanka ah Ben-Gvir iyo Smotrich.