Maleeshiyada Al Shabaab ayaa maanta mar kale ku fashilmatay in ay furtaan waddada xiriirisa deegaanada Yasooman iyo Aboorey oo hoostaga Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan.
Shabaabka oo ku dhawaad muddo laba bilood ah ku go’doonsan deegaanka Yasooman ayaa weeraray Xoogaga Macawiisleyda ee 23-kii bishii April fariisimaha ka sameystay waddada fidsan ee isku xirto Yasooman iyo Aboorey, iyadoo Aboorey ay ahayd waddada qura ee saadka, sahayda iyo gurmadka uu u soo mari karay Shabaabka Yasooman, maadaama waddada xiriirisa Yasooman iyo Degmada Moqokori ee horeyba u xirneyd.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay maanta weerar xoogan ku ekeeyeen Macawiisleyda degan meel aan sidaasi uga fogeyn Yasooman, balse ay ku guuldareysteen in ay jidka furtaan, ka dib markii ay iska caabin xoog badan kala kulmeen Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Shabaabku ay kolkii dambe dib ugu laabteen goobihii ay ka soo duuleen oo dhinaca Yasooman ah.
Shabaabka ayaa 13-kii bishii ina dhaaftay ee May, sidaan oo kale isugu dayay in ay furtaan waddadaasi, ha yeeshee aanay u suurtagelin, sababtu tahay xabadda kulul ee Macawiisleyda reer Hiiraan.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa gebi ahaanba diidan in ay isku xirmaan Shabaabka Aboorey iyo Yasooman, iyadoo Shabaabku ay Aboorey qabsadeen 6-dii bishii April, halka 16-kii bishaasina ay la wareegeen Yasooman.
Weerarkan ayaa yimid maalmo ka dib, markii Xoogaga Macawiisleyda ay Shabaabka ka fogeeyeen deegaanka Ceel-hareeri oo hoostaga Degmada Moqokori ee bariga Gobolka Hiiraan.
Shabaabka ayaa 4-tii bishan weerar culus qaaday deegaankaasi, inlastoo saacado ka dib ay Macawiisleyda iyo Militariga Somaliya ay dib uga riixeen deegaankaasi.
Macawiisleyda iyo Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Khamiistii iyo Jimcihii baacsanayay firxadka Shabaabkii soo weeraray deegaankaasi, iyadoo dagaalku uu ku fiday deegaanka Garas-magan oo ku dhow Ceel-hareeri, kana mid ah deegaanada ku yaala xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Weerarkan ugu dambeeyay ay Shabaabku Arbacadii hore ku soo qaadeen Ceel-hareeri ayaa ahaa kiisii saddexaad, oo ay ku doonayeen in ay kula wareegaan deegaankaasi, maadaama uu yahay albaabka ay ka soo geli karaan Moqokori.
Warbaahinta ayaa fahamsan ujeedka ay Shabaabku u xoojiyeen weeraradooda Ceel-hareeri inuu yahay in ay culeyska ka yareeyaan maleeshiyadooda ku go’doonsan Yasooman iyo in ay si toos ah isugu xirmaan min Shabellaha Dhexe, Hiiraan illaa Galgaduud.
Waddada u dhaxeyso Yasooman iyo Moqokori oo aadda Degmada Maxaas ayaa dhinaca kalena u furan deegaanada Dac, Wabxo iyo Ceelbuur oo Gobolka Galgaduud ah.
Al Shabaab ayaa aragta in aysan isku xirmi karin maleeshiyadeeda Hirshabelle iyo Galmudug, haddii aysan qabsanin Degmada Moqokori, isla-markaana aysan isku furin waddada Moqokori iyo Yasooman.
Waxaas oo dhan cududda ugu weyn ee ka hortaagan ayaa ah Macawiisleyda reer Hiiraan ee qaybta ka ah Ciidanka Difaaca Shacabka ee loo abaabulay in ay Ciidanka Xoogga Dalka ka taageeraan la dagaalanka Al Shabaab.
Macawiisleyda ayaa waxaa cad inay ka feejigan yihiin dhaqdhaqaaqa ay Al Shabaab haatan ka waddo Degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Tawakal oo hoostaga degmadaasi, isla-markaana ay suurtagal tahay in ay mar kale soo weerari karaan Ceel-hareeri.
Shabaabka ayaa waxaa muuqato in ay ahmiyad siinayaan deegaankan oo ku yaala goob istiraatiiji ah, wuxuuna isku xiraa Degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee labada gobol ee Hirshabelle.
Shabaabka ayaa la sheegaya in ay ka cararayaan inay lumiyaan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka hor inta aysan xaqiijin yoolkooda dagaal, oo ah in ay helaan marin ay isaga kala gudbi karaan maleeshiyaadkooda Hirshabelle iyo Galmudug.
Si Shabaabku ay u xaqiijiyaan istiraatiijiyadooda dagaalka ayaan la ogeyn, sida ay uga gudbi karaan xujada horgudban oo Macawiisleyda ah.