Home Wararka Maanta Haweeney lagu dilay Ceelasha Biyaha iyo ninkii dilay oo baxsaday

Haweeney lagu dilay Ceelasha Biyaha iyo ninkii dilay oo baxsaday

by Laacib

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Fartuun Axmed Nuur ayaa maanta lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ku yaala inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydan iyo qaar kale oo ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadda Jabad Geele ee Ceelasha Biyaha ay ka horyimaadeen in la burburiyo guryahooda oo dumis lagu soo qoray.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari cagaf-cagaf ah lagu burburiyay hoyga haweeneydaasi oo jiingad ka sameysnaa iyo guryo kale oo ku yiilay qaybta Jabad Geele.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dadka deegaanka oo buuq sameeyay ay keentay in askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu rasaas ku furo dadkaasi, isla-markaana ay haleeshay Fartuun Axmed Nuur oo ka mid ahayd dadkii goobta isugu soo xoomay ee diiday in guryahooda la burburiyo. Cali Axmed Nuur oo la dhashay haweeneydaasi ayaase ku andacoonaya in si ku talagal ah loo dilay walaashii.

“Si gardarro cad baa loogu soo weeraray gurgeedii iyadoo ku jirto, kas cad ayaana loogu dilay.” Ayuu yiri Cali Axmed Nuur oo Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, wax yar uun ka dib, markii halkaasi la keenay meydka marxuumadda.

Qoyska marxuumadda ayaa sheegay in sifo sharci darro ah lagu burburiyay hoygii ay deganeyd marxuumadda, waxayna codsadeen in askariga dilka gaystay la horkeeno sharciga.

Xubnaha qoyska ayaa waxay sheegeen in meydkeeda uu ku jiri doono qaboojiyaha isbitaalka ee meydadka lagu kaydiyo, illaa iyo inta ay caddaalad ka helayaan.

Cali Maxamuud Kuulow ayaa sheegay in askariga dilay xaaskiisa uu ka mid ahaa ciidan uu watay nin uu magaciisa ku sheegay Xasan Madoobe oo ka mid ah Maamulka Ceelasha Biyaha.

Cali Maxamuud Kuulow iyo xubnaha kale ee qoyska ayaa codsaday in sharciga la horkeeno askarigaasi, oo dib laga ogaaday in uu ka tirsan yahay Saldhigga Booliska ee Ceelasha Biyaha.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in askarigu aanu ku soo noqon shaqada saldhigga, ka dib dhacdadaasi, taas oo ka dhigan in uu baxsad ku maqan yahay.

Allaha u naxariistee Fartuun Axmed Nuur ayaa la sheegay in ay ifka uga tagtey lix carruur ah oo ay dhashay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc