Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa ciidamada ku amray in ay ka hortaggaan kumanaanka qof ee la sheegay inay isku uruursanayaan dalka Masar ee doonaya in ay jebiyaan go’doominta Marinka Gaza.
Gaadiid ay la socdaan boqolaal qof oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadii gaaray dalka Liibiya, ka dib markii ay ka soo ambabaxeen dalka Algeria, kana soo gudbeen xuduudda Tunisa, iyagoona ku sii jeeda Marinka Gaza, si ay u qaadaan xanibaadda ay Israel ku hayso gargaarka bani’aadantinimo ee dhulkaasi.
Gaadiidkan oo ay la socdaan ugu yaraan 1,500 oo qof, oo ay ku jiraan boqolaal ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayay dad kale kaga soo biireen Liibiya, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda ay gaaraan dalkaasi Masar, si halkaasi ay uga soo gudbaan xadka Gaza, iyaga oo sii maraya Isgoyska Rafah oo ku yaala xuduudda Masar iyo Gaza.
Kolonyadan ayaa waxaa Caasimadda Qaahira ku sugaya kumanaan qof oo kale, kuwaas oo isugu jira dad u ololeeya qaddiyada qaranimada Falastiin, xuquuqda aadanaha iyo weliba siyaasiyiin, waxayna diidan yihiin falalka guracan ee ay Israel ka waddo dhulka go’doonsan.
Israel ayaa Arbacadii Masar ka codsatay in ay dadkaasi ka hor istaagto inay ka soo gudbaan xuduudda ay la wadaagto Marinka Gaza, laakiin dowladda dalkaasi ayaa muujisay inaysan celin karin dadka haysta ogolaanshaha dal-ku-galka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegtay in dadka haysta ogolaanshaha fiisaha dalkaasi oo keliya ay tagi karaan Magaalada Arish oo ku dhow xuduudda Masar iyo Gaza, iyadoona sheegtay in dadka aan dal-ku-galka haysan aan loo ogolaan doonin inay ka soo gudbaan xuduudaha dalka, walow dalalka qaar muwaadiniintooda loo ogol yahay in ay feesaha qaataan, marka ay ka soo deggaan Garoonka Diyaaradaha Qaahira.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel oo u muuqda mid aan ku qancin go’aanka Masar ayaa ciidamada faray in ay ka hortaggaan cid kasta oo ujeedadeedu tahay in ay soo gasho Marinka Gaza, iyadoo ka soo gudbeysa dhinaca Masar.
Militariga Israel ayaa bishii May ee sanadkii 2024 xoojiyay go’doominta Gaza, markaas oo ay la wareegeen Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee kala qaybisa xadka Marinka Gaza iyo Masar. Xuduudda Masar ayaana ahayd tan keliya ee u furneyd dadka reer Gaza.
Wasiir Katz ayaa xalay mar kale Dowladda Masar ugu baaqay inaysan ogolaanin sida uu yiri in dadka jihaad doonka ah ay sameeyaan daandaansi ama isku dayo ay ku soo galaan Gaza.
“Ficilada ceynkani oo kale ah waxay halis gelinayaan badbaadada Ciidamada Israel, lamana ogolaan doono.” Ayuu yiri Katz.
Qaahira ayaa dadkaasi ku xirtay keliya inay haystaan ogolaanshaha dal-ku-galka, maadaama aysan hubeysneyn, isla-markaana aanay gaysan karin qalqal sidaasi weyn oo walaac amni abuuri kara.
Khubarada ayaa sheegay in Masar ay dooneyso in Israel cadaadis lagu saaro, si ay u ogolaato in gargaarka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee gaajada la ildaran.
Khubarada ayaa sidoo kale sheegaya in Israel ay culeys ku saareyso Masar in ay ku dhaqanto xeerarka caalamiga ah, halka ay iyadu tahay dowlad aan ixtiraamin shuruucda caalamiga ah, isla-markaana si joogta ah ugu xadgudubta.
Qaar badan oo ka mid ah wafuudda ajnibiga ee gaaray Qaahira ayaa horey u helay fiisaha dalkaasi, iyagoona sugaya kolonyada ka soo socota Liibiya.
Wafuudda ajniga ah ayaan ahayn Carab iyo African oo qura, balse waxaa ku jira dad kaloo u dhashay dalalka reer galbeedka oo ka soo horjeeda, waxa ka socdo Marinka Gaza.
Terkiya Shayibi oo ka mid ah dadka doonaya in ay dhinaca dhulka ku gaaraan Marinka Gaza ayaa sheegtay in aysan cabsi gelin doonin sida ay tiri jawaabaha rabshadaha wata ee ka dhanka ah kolonyadooda.
Ciidamada Israel ayaa Isniintii xoog kula wareegay dooni ay la socdeen 12 qof oo doonayay in ay gargaar raashiin iyo caanaha carruurta geeyaan dhulka Falastiin ee go’doonsan.
Dunida ayaa isha ku haysa dhaqdhaqaaqyada ka jira Masar ee lagu doonayo in gurmadka bani’aadantinimo lagu gaarsiiyo dadka reer Gaza.