Xaalad aad u kacsan ayaa ka jirta Bariga Dhexe, iyadoo dalalka Khaliijka ay ka baqdin qabaan inay saamayn ku yeelato jawaabaha ay Iran ka bixineyso weerarkii waaberigii hore ee saaka kaga yimid Israel.
Militariga Israel ayaa garaacay xarumaha nuclear-ka ee Iran, waxayna weerarkaasi ku dileen saraakiil sarsare oo ka tirsan Militariga Iran iyo weliba saynisyahano.
Militariga Israel ayaa sheegay in hawlgalka xagga cirka ay ka qayb qaateen illaa 200 oo ka mid ah diyaaradahooda dagaalka.
Israel ayaa garaacday meesha xudunta u ah barnaamijka nuclear-ka ee Iran, waxaana weerarka ay ku dishay saddex sarkaal oo uu ka mid yahay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Hossein Salami.
Militariga Israel ayaa sheegay in Iran ay isla Jimcahan sameysay weerar aargoosi ah, isla-markaana ay 100 drones ah ku soo weerartay gudaha Israel, laakiin ay soo rideen.
Ugu yaraan lix magaalo oo ay ka mid tahay Caasimadda Tehran ayay duqayntu ka dhacday, waxaana goobaha la duqeeyay ku jira dhismayaal ay dad rayid ah deganaayeen.
Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku maray in Israel ay wajihi doonto ciqaab adag, isagoona xaqiijiyay in la dilay tiro ka mid ah taliyeyaasha iyo saynisyahanada reer Iran.
Militariga Iran ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israel ay qiimo badan ku bixin doonaan weerarka gardarrada ee ka dhanka ah Iran.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa weerarkan ku tilmaamay ku dhawaaqid dagaal.
Weerarkan ayaa soo dedejin kara in is bedel uu ku yimaado saaxada dagaalka ee Gobolka Bariga Dhexe, haddii Israel ay ku dhiiratay khatarta dagaal goboleed oo ballaaran. Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in ay jirto khatar dhab ah oo ku saabsan dagaal ballaaran oo gobolka ka qarxa.
Weerarkan oo lagu sheegay kiisii ugu weynaa ee Israel ebid ka gaysato dalka Iran ayaa gobolka ku riixi kara xaalad cusub.
Marco Rubio, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington aysan ku lahayn lahayn weerarka ay Israel ku qaadday dhulka Iran, ha yeeshee Tehran waxay fahamsan tahay in Tel Aviv aanay wax tallaabo ah qaadi karin, iyadoo aan ogolaansho ka haysan Aqalka Cad ee Mareykanka.
Iran ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabtay in ay beegsan doono saldhigyada & danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo weliba gudaha Israel, haddii Israel ama Mareykanka uu midkood soo weeraro amaba iyaga oo wada socda ay soo weeraraan dalkeeda.
Dalalka hodanka ah ee Carbeed oo Mareykanku uu ku leeyahay saldhigyo waaweyn oo militari ayaa ka baqin qaba in ay bartilmaameed noqdaan, waana xilli muddooyinkii u dambeysay ay hagaajinayaan cilaaqaadkooda Tehran.
Tehran ayaa la sheegaya in ay ka fiirsaneyso tallaabooyinka xigga ee ay qaadi karto, iyadoo ka jawaabeysa weerarkaasi, waana xilli ay ka warqabto, haddii ay beegsato danaha Mareykanka ee gobolka inay hurin doonto isku dhac weyn oo ka qarxa Bariga Dhexe.