Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Israel ay ka shalaayi doonto weerarka gardarrada ah ee ay ku soo qaadday dalkiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qaranku aanu ka aamusi doonin fal dembiyeedkan, jawaabtooda xoogga badana ay Israel ka dhigi doonto mid ka qoomameysa, waxa uu ku tilmaamay falka nacasnimada ah.
“Qaranka Iran iyo masuuliyiinta dalka kama aamusi doonaan fal dembiyeedkan, jawaabta saxda ah ee awoodda leh ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ka dhigi doontaa cadowga inuu ka qoomameeyo falkiisa nacasnimada ah.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha oo jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka ayaa ballanqaaday in Israel ay la kulmi doonto jawaab adag oo sharci ah.
Madaxweynaha ayaa mid waxashnimo ah ku tilmaamay weerarka waaberigii hore ee saakay ay Israel ku soo qaadday dhowr magaalo oo Tehran ay ku jirto, oo sida uu sheegay ay ku dhinteen dad rayid ah oo aan waxba galabsan, oo ay qayb ka yihiin haween iyo carruur buu yiri aan waxba galabsan.
Waxa uu Israel ku eedeeyay in ay si ula kac ah u beegsatay dhismayaasha ay dadka rayidka ah degan yihiin ee ay weerartay, isla-markaana ay taasi caddeynayso sida ay Israel u qaban-tintay sida uu yiri daadinta dhiigga ee shacabka aan is difaaci karin.
Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa qiray in weerarka ay ku dhinteen taliyeyaal ciidan iyo saynisyahano, waxaana uu xusay in weerarku uu ka dhigan yahay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah.
“Gardarrada iyo dembiyadu waxay ku dhex milmeen dabeecadda nidaamka Sahyuuniyadda.” Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo carabka ku adkeeyay in Israel ay filan doonto jawaab adag.
“Dembigaasi ma noqon doono mid jawaab la’aan ah, cadowguna uu dhawaan ka shalaayi doono ficiladiisa.” Ayuu yiri Masoud Pezeshkian, Madaxweynaha Iran.
Madaxweyne Pezeshkian ayaa intaasi ku daray “Mar kasta oo calanka uu ka dhaco gacanta xoogga badan ee taliye, taliye kale ayaa soo qaadi doona oo geli doona goobta dagaalka.”
Weerarkan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Israel ayaa lagu beegsaday goobaha nuclear-ka Iran iyo xarumaheeda militariga.
Warbaahinta Dowladda ayaa ku warantay in weerarka lagu dilay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Hossein Salami iyo Taliyihii Militariga Iran, General Mohammad Bagheri. Warbaahinta Dowladda ayaa waxay kaloo sheegtay inay dhinteen Mohammad Mehdi Tehranchi iyo Fereydoun Abbasi oo ka mid ahaa sayanisyahadii farsameynaysay nuclear-ka dalkaasi.
Duqaymahan ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 78 qof, halka 329 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay tebisay Warbaahinta maxaliga.