Seeriga dhawaqa digniinaha ee duulaanka hawada ayaa caawa is qabsaday guud ahaan Israel, ka dib markii Iran ay ku soo qaadday weeraro gantaal.
Warbaahinta Israel ayaa ku warameysa in Iran ay gantaalo fara-badan ku soo weerartay gudaha Israel, iyadoo illaa iyo hadda aan wax faah faahin ah laga hayn khasaaraha dhabta ah ay gaysteen.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv iyo in uuro ay ka kacday meelo ka mid ah magaaladaasi.
Militariga Israel ayaa war uu goor dhow soo saaray ku sheegay in tobaneeyo gantaal ay Iran ku soo weerartay dhulka Israel iyo in qaraxyada la maqlayo ay ka dhasheen gantaalada ka hortaga gantaalada kale oo falgal sameynaya.
Militariga Israel ayaa shacabka ku amray inay galaan goobaha gabaadka ee amniga, isla-markaana ay ku sii sugnaadaan illaa amar dambe.
Gantaalada ballaastikada ee Iran ayaa lagu arkay iyagoo dul heehaabaya hawada habeenimo ee Tel Aviv, kuwaas oo qaarkood ka baxsaday nidaamka difaaca hawada ee Israel, kuna daatay dhulka.
Gantaaladan ayaa dab weyn ka kiciyay meelihii ay ku hoobteen, sida laga arki karayba muuqaalada laga helay goobahaasi.
Taliska Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa sheegay inay fuliyeen weeraro ka dhan ah tobanaan bartilmaameed oo gudaha Israel ah.
Jawaabta Iran ayaa timid, ka dib markii Israel ay si qoto dheer u garaacday bartilmaameedyo ku yaala dalka Iran, oo ay ku jiraan goobihii nuclear-ka iyo xarumihii militariga ee dalkaasi.
Ciidamada Iran ayaa weerarkan qaaday, saacado yar uun ka dib, markii Madaxweyne Masoud Pezeshkian uu ballanqaaday in ay jawaab adag ka bixin doonaan gardarrada Israel.