Militariga Israel ayaa sheegay in Iran ay caawa ku dhawaad 100 gantaal ku soo weerartay dhulka Israel, kuwaas oo intooda badan sida ay sheegeen la soo riday.
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa sheegay in gantaalo yar ay ka baxsadeen nidaamka difaaca hawada ee Israel.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in weerarku uu burbur ka soo gaaray dhismayaal kooban, isagoo xusay in dhismayaasha qaarkood uu saameeyay firirka ka dhashay gantaaladii la soo riday.
Afhayeenka ayaa shacabka ugu baaqay in ay godadka ka soo baxaan, haddii ay xaaladdu u muuqato sida uu sheegay mid la xakameeyay.
Dhawaqa seeriga digniinaha ayaa caawa laga maqlay Israel oo dhan, iyadoo Tel Aviv ay ahayd xudunta weerarka Iran.
Magaalada ayaa waxaa ruxay qaraxyo waaweyn, ka gadaal markii tiro gantaalo ahi ay ku dhaceen bartilmaameedyo ku yaala magaaladaasi.
Taliska Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa sheegay inay beegsadeen tobanaan bartilmaameed oo gudaha Israel ah.
Militariga Mareykanka ayaa gacan ka gaystay, sidii looga hortagi lahaa weerarada gantaal ee ay Iran ku harqisay Israel, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP.
Laba sarkaal oo American ah oo magacyadooda la qariyay ayaa AFP u sheegay in Militariga Mareykanka ay gacan ka gaysteen soo rididda gantaalada qaar ee Iran.
Dhanka kale ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka Iran, sida uu sheegay Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA).
Warbaahinta CNN ayaa ku warantay in ay jiraan dhaawacyada tobanaan qof oo kale, kuwaas oo qaarkood aan weli lagu darin tirooyinka MDA.
“Saddexda isbitaal ee Israel ee Sourasky Medical Center, Sheba Tel Hashomer Medical Center iyo Rabin Medical Center ayaa soo sheegay in wadar ahaan ay qaabileen dhaawacyada 40 qof.” Ayay CNN warisay.
Gobolka ayaa waxaa ka jirta xaalad aad u kacsan, waxayna cid kasta u dheg taageysaa waxa xigi doona.
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa cirka isku sii shareertay, ka dib markii Israel ay weerar ballaaran ku qaadday dalka Iran, iyadoo beegsaneysa goobaha nuclear-ka iyo xarumaha militariga ee dalkaasi.
Dad badani ayaa ka baqdin qaba in xiisaddan ay gobolka ku jiiddo isku dhac ballaaran.