Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa magacaabay taliyeyaal cusub, si ay u sii wadaan shaqada ciidamada, ka dib markii ay Israel dishay hoggaankii ciidamada.
Warbaahinta Dowladda ayaa Jimcihii sheegtay in la dilay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Hossein Salami iyo Taliyihii Militariga Iran, General Mohammad Bagheri.
Hoggaamiyaha ugu sarreya Iran ayaa buuxiyay jegooyinkii ay banneeyeen saraakiishaasi la dilay, ka dib markii uu magacaabay xubnihii bedeli lahaa.
General Mohammad Pakpour ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka, halka General Sayyed Abdolrahim Mousavi loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
Taliyaha cusub ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, General Mohammad Pakpour ayaa ku hanjabay in albaabada naarta ay u furmi doonaan Israel.
Taliyaha ayaa Wakaaladda Wararka Iran ee IRNA u sheegay in uu u aargudi doono saraakiishii, saynisyahanadii iyo muwaadiniintii kale ee ku dhintay duqaymihii ay Israel ka gaysatay dalkaasi.
General Pakpour ayaa ku goodiyay in dhiigga dadkaasi aanu noqon doonin mid bilaa isla xisaabtan ah, isla-markaana ay Israel la kulmi doonto cawaaqib ba’an.
Cidna ma fileynin in Israel ay si fudud ugu dhiiran doonto dilka Saraakiisha Iran, laakiin khubarada ayaa tani u arka mid uu Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku raadinayo nafis siyaasadeed iyo in uu dalka geliyo xaalad cusub, ka dib markii uu kordhay cadaadiska ka haysta gudaha ee lagu dalbanayo in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka Gaza iyo dhinaca kale oo culeys uu ka haysto Wasiirada xarjirka ah ee axsaabta midigta fog ku metela xukuumaddiisa ee ka biyo diidan in la soo afjaro dagaalkan, haddii kalena ay ridi doonaan dowladda uu hoggaamiyo.
Si Netanyahu uu uga baxsado dhibaatooyinka isku dhafan ee haysta ayaa la leeyahay, waxa uu raadinayaa si uun uu uga xeeladeysto xujadan qoorta u suran.