Home Dhacdooyin Taliska Ilaalada Kacaanka ee Iran oo ka warbixiyay weerarka ay ku qaadeen Israel

Taliska Ilaalada Kacaanka ee Iran oo ka warbixiyay weerarka ay ku qaadeen Israel

by Laacib

Iran ayaa sheegtay inay garaacday Saldhigyada Ciidamada Israel iyo kuwa cirka, ka dib duqayntii ay xalay ku ekeysay gudaha Israel.

Taliska Ilaalada Kacaanka ee Iran ayaa sheegay in xarumahan ay yihiin meelaha laga soo qaaday weerarkii ay Israel Jimcihii ka gaysatay dalka Iran.

“Iyadoo la adeegsanayo isku-darka hababka saxda ah ee la hago iyo kuwa caqli-galka, Iran waxay bartilmaameedsatay xarumaha militariga iyo saldhigyada hawada, kuwaas oo u adeegay isha gardarrada ee ka dhanka ah dalkeenna.” Ayuu talisku ku sheegay war uu soo saaray.

Taliska ayaa sheegay in xarumaha la beegsaday loo isticmaalo wax soosaarka gantaalaha iyo agabka kale ee militari, isla-markaana ay warbixinada muujinayaan in daraasiin gantaalada ballaastikada ah ee Iran ay si wax ku ool ah u garaaceen bartilmaameedyada istiraatiijiga ah ee Israel.

“Inkastoo la sheegayo fara-gelin, haddana cadowgu wuxuu ku guuldareystay inuu ka hortago mowjadaha gantaalada ee ay ridday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.” Ayuu warka intaasi ku daray.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in jawaabtoodu ay ka tarjumeyso khad cas in lagu soo xadgudbo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Dhanka kale Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in meelaha la beegsaday ee Israel uu ka mid yahay Saldhigga Ciiidanka Cirka ee Ramat David oo 20km u jira Magaalada Haifa.

Ciidamada Israel ayaa caweyskii xalay isugu soo baxay aag lagu dhuftay gantaal ballaastik ah oo burbur weyn uu ka muuqanayo.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Tel Aviv ay ka jawaabi doonto weerarka Iran.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa shacabka Iran ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan cadaadiska militari ee Israel ee ka dhanka ah nidaamka ka arrimiya dalkaasi, isla-markaana ay iska dulqaadaan maamulkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc