Iran ayaa xalay garaacday magaalooyin ay ka mid tahay Haifa, iyadoo la adeegsanayo diyaarado drones ah iyo gantaalada ballaastikada ee ridada dheer.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Iran ay garaaceen xarumo ku yaala magaalada waqooyiga Israel ugu weyn ee Haifa, oo ay ka mid tahay warshadda shidaalka sifeysa.
Haifa oo habeenkii Sabtida noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee Iran ayaa waxaa ku yaala warshadaha saliidda iyo warshado kiimikaad oo badan, waxaana sidoo kale ku yaala saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Badda Israel.
Howlwadeenada Israel ayaa sheegay in burbur kooban uu warshadda saliidda ee Bazan ka soo gaaray weerarka gantaalada ee Iran.
Maamulka warshadda ayaa war uu soo saaray ugu sheegay suuqa saamiyada ee Israel in dhuumaha warshadda Bazan aanay wada burburin.
Weerarkan ayaa yimid, ka dib markii Ciidanka Cirka Israel ay shalay duqeeyeen kaabeyaasha tamarta ee Iran iyo kuwa kale ee rayidka, iyadoona uuna dab qabsaday xarunta saliidda Shahran ee Tehran. Militariga Israel ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen goobo la xiriira barnaamijka hubka nuclear-ka ee Iran.
Waxaa jirta arrin walaac badani ku haysa ganacsatada reer Israel, oo ah in Haifa oo bartilmaameed u muuqato ay ku yaallaan warshadaha saliidda ee ugu weyn Israel, haamaha waaweyn ee shidaalka iyo xarumo kale oo aad u guban kara, kuwaas oo ay suurtagal tahay in la beegsado.
Iran ayaa horey uga digtay in la beegsado kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka, taas oo aanay Israel dhageysan, waxayna Israel ay sidoo kale subaxnimadii Sabtida weerartay Garoonka Diyaaradaha Mehrabad ee Caasimadda Tehran.
Ciidamada Iran ayaa waxay u badan tahay in iyana ay kaabeyaasha rayidka ee Israel u tixgelin doonaan goobo bartilmaameed ah.
Taliska Ciidamada Israel ayaa ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerarkii ugu dambeeyay ee ay Iran xalay ka gaysatay gudaha Israel.
Weerarkan ayaa midkii habeen hore kaga duwanaa, iyadoo markan ay Iran weerartay goobo u badan ilaha dhaqaalaha ee Israel. Weerarkii habeen hore ayayna ku beegsatay Saldhgyada Ciidamada Israel iyo kuwa cirka.
Weeraradan ayaa waxay ka dhigan yihiin kuwii ugu badnaa ee toos ah ee ebid dhex mara Israel iyo Iran, oo midba midka kale uu u arko cadowgiisa ugu weyn ee Gobolka Bariga Dhexe.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Jimcihii weeraray goobaha nuclear-ka ee Iran iyo xarumaha militariga ee dalkaas, taasoo ka carreysiisay dowladda dalkaasi, waxayna madaxdeeda ku hanjabeen in gardarradaasi aanay ka aamusi doonin.
Israel ayaa weerarkan ku qaadday dalkaasi, xilli la qorsheeyay in Iran iyo Mareykanka ay maanta wareeggoodii lixaad ee wada hadalada ku yeeshaan dalka Cumaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan, Badr Albusaidi ayaa Sabtidii sheegay in uu baaqday wada hadalkii Axaddan ee ay labada dal kaga wada hadlayeen masiirka barnaamijka nuclear-ka ee Iran.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa mar sii horreysay sheegtay in dalka uu ku jiro dagaal, welibana dagaal ay iclaamisay Israel.
Iyadoo dunida ay dadaal badani ku bixineyso, sidii loo xakameyn lahaa xiisadda labada dal ayaa waxaad haddana mooddaa in xaaladdu ay faraha ka sii baxeyso.