Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa sheegaya in maanta ay qaraxyo waaweyn ka dhaceen goobo kala duwan oo Magaalada Tehran ah, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen bartilmaameedyo halkaasi ku yaala.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyada laga maqlay waqooyi galbeed Tehran ee Shahrak-e Gharb iyo xaafadaha ku xeeran aagga Saadat Abad.
Qaraxyo kaloo xiriir ah ayaa laga maqlay xaafadda Niavaran ee waqooyiga Tehran iyo agagaarka fagaaraha Valiasr & Hafte Tir ee bartamaha magaalada.
Warbaahinta Dowladda Iran ayaa ku warantay in la hawlgaliyay nidaamka difaaca cirka, si looga hortago duqaymaha Israel.
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa sheegay illaa 50 diyaaradood oo kuwa dagaal ah ay weerareen kaabeyaasha iyo bartilmaameedyada lala xiriirinayo sida uu yiri xarumaha nuclear-ka ee Iran.
Afhayeenka ayaa sheegay in tan iyo Jimcihii ay ciidamadoodu garaaceen in ka badan 170 bartilmaameed oo ku yaala dalka Iran. Israel ayaa Jimcihii bilowday weeraradeeda ka dhanka ah dalkaasi.
“Ciidamadayadu waxay weerar ku yihiin wadnaha barnaamijka nuclear-ka.” Ayuu yiri Afhayeenka oo dadka rayidka ah ugu baaqay inay ka fogaadaan xarumahaasi.
Taliska Militariga Israel ayaa saakay dadka rayidka ah ugu yeeray inay ka fogaadaan goobaha ku dhow dhow xarumaha wax soosaarka hubka ee Iran.
“Joogitaankaaga meelaha u dhow xarumahan waxay khatar gelinaysaa noloshaada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Militariga Israel.
Warbaahinta Iran ayaa maanta sheegtay in dadka rayidka ah ay yihiin dhibaneyaasha ugu badan ee weerarada Israel.
Dowladda Iran ayaan wax war ah ka soo saarin duqaymahan ugu dambeeyay ee ay diyaaradaha Israel ka gaysteen Tehran.
Ciidamada Iran ayaa la qiyaasayaa in in iyana ay caawa garaaci doonaan bartilmaameedyada Israel.
Kororka xiisadda labada dhinac ayaa lagu macneeyay tusaalaha, sida uu u fidiyo dagaalka Iran iyo Israel.