Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Iran ay qiimo badan ku bixin doonto weerarada ay ka gaysatay Israel, ee ay ku dhinteen dadka rayidka ah, sida uu yiri.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa hadalkan sheegay, xilli uu maanta booqanayay dhisme ku yaala deegaanka Bat Yam oo xalay uu ku dhacay gantaal Irani ah.
Ugu yaraan toddobo qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii gantaal uu saqdii dhexe ee xalay ku dhacay dhismaha ku yaaa deegaanka Bat Yam ee bartamaha Israel. Saddex qof ayaana la xaqiijiyay in la la’yahay.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Iran ku eedeeyay in ay weerar qorsheysan ku qaadday dhismahaasi, oo sida uu sheegay ay dad rayid ah deganaayeen.
“Dilkan qorsheysan ayaa loo gaystay dad rayid ah oo haween iyo carruur ay ku jiraan.” Ayuu yiri Netanyahu oo Iran ku eedeeyay inay tahay khatar jirta oo ka dhan ah Israel.
Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu sheegay in Iran ay qiimo culus ku bixin doonto sida uu yiri dhimashada dadka rayidka ah.
“Iran qiimo culus ayay ku bixin doontaa dhimashada dadkeenna, waxaana ku dhufan doonnaa hal dharbaaxo.” Ayuu yiri Netanyahu.
“Waxaan murugada la qaybsanayaa qoysaska kuwa la dilay, waxayna qalbiyadeenna la jiraan qoysaskaasi ay ka baxeen.” Ayuu yiri Netanyahu oo shacabka ku booriyay inay raacaan tilmaamaha badbaadada ee saraakiisha.
Saraakiisha ayaa si joogta ah shacabka ugu sheegaya in ay ku cararaan goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo, marka ay maqlaan seeriga digniinaha ee duulaanka hawada.
Israel ayaa gashay xaalad dagaal oo cawaaqib ba’an ku yeelaneysa dadkeeda, ka dib markii ay Jimcihii duqayn ballaaran ku qaadday dalka Iran, iyadoo beegsaneysa goobaha nuclear-ka iyo xarumaha militariga ee dalkaasi.
Ciidamada Iran oo fulinaya amarka madaxdooda ayaa u muuqdo inay dagaal dheer la gelayaan Israel.