Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee Iran

Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee Iran

by Laacib

Dowladda Iran ayaa waxay shaacisay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarada ay Israel tan iyo Jimcihii ka gaysatay dalkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Iran ayaa sheegtay in illaa iyo hadda ay dhinteen 138 qof, 900 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqaymaha Israel.

Wasaaradda ayaa sheegtay in 60 ka mid ah dadkan la dilay Sabtidii, kuwaas oo 31 ka mid ah lagu dilay bariga Gobolka Azerbaijan.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo Axaddan booqday burburka dhisme ku yaala bartamaha Israel oo xalay uu gantaal ku dhacay ayaa sheegay in dhimashada dhankooda ay gaartay 14 qof, ka dib markii uu hal qof u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray duqaymaha Iran.

Netanyahu ayaa saakay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay in duqaymaha Iran ee labadii habeen ee la soo dhaafay ay ku dhinteen 13 qof, 380 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiisadda labada dal ayaad arkaysaa in ay sii xoogeysanayso iyo in ay labada dowladood sii xoojinayaan duqaymahooda, mana muuqdaan wax calaamado ah oo xaaladda si dhakhsa ah loogu xakameynayo.

Dhanka kale Dowladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda ku wargelisay inaysan u safri karin dalalkaasi, kuwooda joogana ay si degdeg ah uga baxaan.

Safaaradda Mareykanka ee Jerusalem ayaa shaqaalaheeda ku wargelisay in ay qoysaskooda ka saaraan Israel.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ogolaatay xubnaha qoysaska iyo shaqaalaha laga maarmi karo in ay isaga baxaan Israel, haddii ay doonayaan.

Garoonka weyn Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv ayaa hadda ah mid xiran, taas macnaheedu waxaa weeye in dariiqa keliya ee Israel looga bixi karo uu yahay dhinaca dhulka ama wadamada deriska, sida Jordan oo Mareykanka uu xiriir wanaagsan la leeyahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc