Home Wararka Caalamka Israel oo garaacday dhisme ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran

Israel oo garaacday dhisme ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa galabta garaacay dhisme ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran oo ku taala Magaalada Tehran.

Muuqaal ku baahay barraha bulshada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya qaybta maktabadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala waqooyiga Tehran.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii labaad ee la xaqiijiyo ee lagu qaado dhisme ay leedahay dowladda oo ku yaala Caasimadda Tehran, tan iyo markii ay qarxeen rabshadaha u dhaxeeya Iran iyo Israel.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa waaberigii hore ee saakay beegsaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Iran, inkastoo ay xaruntaasi u adeegeysay arrimo ciidan.

Goor sii horreysay ayay dadku arkayeen muuqaal muujinaya dab weyn oo ka kacay meel u dhow Xarunta Wasaaaradda Caddaaladda ee galbeedka Tehran, halkaas oo la beegsaday duhurnimadii maanta.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Israel ay Axaddan duqaymo xiriir ah ka gaysatay goobo kala duwan oo ku yaala magaalada, oo ay ku jiraan xaafado la degan yahay.

Meelaha maanta ay qaraxyadu gilgileen ayaa waxaa ka mid ah fagaaraha Valiasr ee bartamaha Tehran, halkaas oo ay ku yaallaan xarumo waaweyn oo ganacsi.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan xarumaha ka ag-dhow goobta ay ka daateen muraayadaha.

Israel ayaa u muuqato mid aan dhageysaneynin digniintii horey uga soo baxday Dowladda Iran ee ku saabsaneyd in aanay beegsan kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha rayidka.

Ciidanka Cirka Israel ayaa Sabtidii bilaabay in ay weeraraan ilaha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan xarunta saliidda Shahran iyo Garoonka Diyaaradaha Mehrabad, oo labaduba ku yaala Tehran.

Is dhaafsiga duqaymaha labada dhinac ayaa maanta galay maalintii saddexaad, waxayna dad badani ka cabsi qabaan in dagaalku uu noqdo mid daba dheeraada.

Hoggaamiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa weli wada dadaalo ku aaddan in la dejiyo xiisaddan, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu maanta ku celiyay in uu ka shaqeynayo nabadda gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc