Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa caawa mowjado gantaalo ah ku weeraray waqooyiga Israel, taas oo jawaab u ah duqaymihii ugu dambeeyay ee ay maanta Israel ka gaysatay dalka Iran.
Guri ku yaala magaalada waqooyiga ku taala ee Haifa ayaa waxaa ku dhacay gantaal, sida ay sheegeen Shaqaalaha Samatabixinta Israel ee ZAKA.
“Gantaalka ayaa na loo soo sheegay in uu si toos ah ugu dhacay dhismaha. Shaqaalaha ZAKA ayaa ku sii socda goobta.” Ayay ZAKA ku sheegtay qoraal.
Adeegga Dab-demiska Israel ayaa sidoo kale sheegay in ay meelo kala duwan ka heleen warbixino ku saabsan in la duqeeyay dhismayaal.
Kaamirooyinka ayaa qabtay dhismayaal ku yaala magaalada oo gubanaya iyo qiiq cirka isku shareeray hawada Haifa.
Wararka ayaa sheegaya in meelaha la bartilmaameedsaday ay ku jirto xarunta shirkadda difaaca Rafael ee Haifa.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa xaqiijiyay in illaa iyo hadda ay qaadeen dhaawacyada laba qof.
War ka soo baxay Militariga Israel ayaa lagu sheegay in gantaalo hor leh ay ka soo socdaan dhinaca Iran, ayna tahay in shacabka ay raadsadaan goobaha gabaadka ee gantaalada laga galo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in jawaabta Iran ay joogsan doonto, marka ay Israel joojiso weeraradeeda ka dhanka ah Iran.
Iran ayaa xalay garaacday xarumo ku yaala magaalada waqooyiga Israel ugu weyn ee Haifa, oo ay ka mid tahay warshadda shidaalka sifeysa.
Haifa oo habeenkii Sabtida noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee Iran ayaa waxaa ku yaala warshadaha saliidda iyo warshado kiimikaad oo badan, waxaana sidoo kale ku yaala saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Badda Israel. Magaaladan ayaa ah isha warshadaha ee Israel, waxayna leedahay haamo waaweyn oo kuwa shidaalka ah iyo xarumo kale oo aad u guban kara, kuwaas oo ay suurtagal tahay in la beegsado.
Isweydaarsiga duqaymaha sii kordhaya ee Israel iyo Iran ayaa cawaaqib ba’an ku yeelanaya shacabka labada dal.