Home Wararka Caalamka Madaxweyne Pezeshkian oo jawaab adag ugu hanjabay Israel

Madaxweyne Pezeshkian oo jawaab adag ugu hanjabay Israel

by Laacib

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa wacad ku maray in qarankiisu uu jawaab adag ka bixin doono weerarada sii kordhaya ee ay Israel ka gaysaneyso dalkaasi.

Madaxweynaha Iran ayaa ka digay sii socoshada weerarada Israel ee ka dhanka ah dalkiisa, isagoo sheegay in Israel ay tahay inay filato jawaab xoog badan, haddii ay weeraradeeda sii socdaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Iran aysan bilaabin dagaalka, falcelinta ay sameynayaan ay jawaab u tahay gardarrada Israel.

Madaxweynaha ayaa waxa uu ka digay in jawaabta Iran ay noqon doonto mid aad u daran, haddii ay Israel sii waddo weerarada ay ku hayso dalkaasi.

“Jawaabteenna waxay noqon doontaa mid go’aan adag, haddii ay Israel sii waddo weeraradeeda.” Ayuu yiri Madaxweyne Masoud Pezeshkian.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in Militariga Iran ay illaa iyo hadda weerarada Israel uga jawaabeen, sida ku habboon, laakiin ay falcelinta soo socoto noqon doonto mid ka xoog badan tii hore, waa haddii ay Israel sii waddo weerarada ay ka gaysaneyso dalkaasi.

Iran ayaa saddexdii habeen ee u dambeysay mowjado gantaalo ah ku harqisay dhulka Israel, iyadoo ka jawaabeysa weeraradii Jimcihii, Sabtidii iyo Axaddii uga yimid Ciidamada Israel.

Dhanka kale Madaxweyne Pezeshkian oo la hadlayay Raysal Wasaaraha Ciraaq, Muhammad Al Sudani ayaa sheegay in wadamada kale ee gobolka ay halis geli doonaan, haddii ay sii socdaan weeraradan.

Madaxweyne Pezeshkian ayaa dalalka Islaamka ugu baaqay in ay mowqif adag ka qaataan xiisaddan sii kordheysa ee ka jirta Bariga Dhexe.

Inkastoo Iran iyo Israel aysan wax xuduud ah lahayn, haddana xiisadda u dhaxeyso ayaa si weyn looga dareemay gobolka iyo dunidaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc