Home Wararka Caalamka Dagaalka Israel iyo Iran oo sii kululanaya

Dagaalka Israel iyo Iran oo sii kululanaya

by Laacib

Militariga Iran ayaa waxay fulinayaan ballanqaadayada ka soo yeeraya madaxda dalka, ee ah in qaranku uu xoojin doono jawaabaha uu ka bixinayo gardarrada Israel ee ka dhanka ah dalkaasi.

Masoud Pezeshkian, Madaxweynaha Iran ayaa Axaddii ku hanjabay in jawaabta Iran aysan istaagi doonin, illaa iyo inta ay Israel waddo weeraradeeda ka dhanka ah dalkaasi. Madaxweynaha ayaana ka digay in jawaabta Iran ay noqon doonto mid aad u daran, haddii ay Israel sii waddo weerarada ay ku hayso dalkiisa.

Militariga Iran ayaa afartii habeen ee la soo dhaafay si ba’an u garaacay magaalooyinka ku yaala bartamaha iyo waqooyiga Israel, iyadoo habeenba kan xiga ay jawaabaha Iran ka xoog badan yihiin midkii hore.

Xalay wuxuu ahaa habeenkii ugu darnaa ee soo mara shacabka Israel, muddada uu socdo dagaalka u dhaxeeya labada dal, ka dib markii Iran ay kordhisay tirada gantaalada ballaastikada iyo diyaaradaha drones-ka ee ka horreya ee ay ku beegsaneyso bartilmaameedyada ku yaala gudaha Israel.

Saqdii dhexe ee xalay arrinta indhaha dadka soo jiidatay ee laga diiwaangeliyay gudaha Israel ayaa waxay noqotay, iyadoo ay cilad ku timid nidaamka difaaca hawada Israel ee gantaalada ka hortaga gantaalada kale.

Hannaanka Iron Dome ee lidka gantaalada kale ayaa la arkayay, iyaga oo ku soo dhacaya goobaha ku dhow dhow goobihii laga tuuray, si ay uga hortaggaan drones-kii iyo gantaalihii ka soo dhacayay jihada dalka Iran.

Barraha bulshada ayaa la isla dhex marayaa in gantaaladii Israel ay duqaynayaan isla gudaha Israel, waxaana jira muuqaalo si qarsoodi ah loo soo dusiyay oo ku faafay goobaha internte-ka.

Gantaalada ballaastikada ee Iran ayaa saacadihii dambe ee xalay ku raftay magaalooyin ay ka mid tahay magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv, laakiin ma jirto cid si sax ah u sheegi karta khasaaraha nafeed ay gaysteen, marka laga soo tago in dhismayaal ay ku burbureen.

Israel ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay qarineyso xogta khasaaraha ay gaysanayaan weerarada Iran, mana ogola baa la leeyahay in xitaa ay dadku soo bandhigaan muuqaalada goobihii la duqeeyay, aan ka ahayn Wariyeyaasha caalamiga ah ee Axaddii uu maamulku bilaabay in uu soo tusiyo goobihii uu dhibku gaaray.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa waxay sii wadaan duqaymaha ay ka gaysanayaan dalka Iran, gaar ahaan Caasimadda Tehran.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa xalay ku baaqay in qof kasta oo ku nool Magaalada Tehran uu si degdeg ah uga baxo, waana saacado uun ka dib, markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku baaqay in shacabku ay isaga barakacaan magaaladaasi.

Ma cadda, waxa Trump uu ula jeedo in dadku ay ka guuraan Tehran, waxaase loo fasirtay mid uu ku cadaadinayo masuuliyiinta Iran, si ay ugu soo laabtaan miiska wada hadalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc